Dagaal culus oo xalay ka dhacay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose

timthumb

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose, waxaa xalay halkaasi ka dhacay dagaal culus oo udhaxeeyay ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo dhinac ah iyo Xoogaga Shabaab.

Dagaalkaan ayaa wuxuu yimid kadib markii Ururka Shabaab ay kusoo qaadeen Fariisimo ciidamada Milateriga iyo kuwa Amisom ay ku leeyihiin Magaalada Baraawe, waxaana halkaasi ku dhexmaray dagaal aad u culus.

Guddoomiye kuxigeenka Degmada Baraawe ee dhanka amniga Bashiir Maxamed Yuusuf oo la hadlay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in dagaalka uu ahaa mid aad u kulul oo Shabaab ay soo qaadeen, balse ciidamada dowladda ay si adag uga hortageen.

Wuxuu sheegay in ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda ay dhabarka ka jabiyeen Shabaab oo khasaaro lixaad leh dagaalkaasi ay ku gaarsiiyeen, inkastoo uusan sheegin tiro rasmi ah oo Shabaab ay dagaalkaasi kaga dileen.

Bashiir Maxamed Yuusuf Guddoomiye kuxigeenka dhanka ammaanka Degmada Baraawe, ayaa ku waramaayo in wax badan ay ka qaban doonaan dagaalada soo noq-noqday ee Shabaab ay kusoo qaadayaan Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Dadka reer Baraawe ayaa xalay waxaa soo food saaray naxdin markii ay aad u maqleen dhawaqa rasaasta xalay  la isku weydaarsanaayay duleedka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Xaalada Baraawe ayaa saaka degan, ciidamada Milateriga ayaa duleedka Degmada Baraawe waxa ay ka wadaan howlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayo.

Salaanmedia/Moqdisho