DEG DEG: Diyaarad si khaldan ugu dhacday Garoonka Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi

timthumb (1)

Waxaa saaka  diyaarad aan la aqoon dalka laga lee yahay ay si khaldan ugu dhacday Garoonka Duulimaadyada Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi.

Diyaaradda oo dooneysay in ay ka soo cago dhigato Garoonka, ayaa waxaa la soo sheegayaa in garab ka mid ah garabyada ay ku duusho, inay ku dhufsatay dhulka, isla-markaana ay diyaaraddu bilowday in ay qiiqdo.

Tani waxay hakad ku keentay hawlihii Garoonka Jomo Kenyatta ka soconaayay, waxaana loo baahday in gurmad deg deg ah loo fidiyo diyaaradaasi, iyadoo la arkaayo gaadiidka dab demiska oo biyo ku rusheynaaya.

Waxaa soo baxaaya warar horudhac ah oo sheegaaya in diyaaradaasi ay ka soo amba baxday Garoonka Degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, isla-markaana aan la aqoon halkii ay ku socotay.

Sarkaal ka tirsan Garoonka, ayaa Warbaahinta Kenya u sheegay in si kedis ahayd ay diyaaradaasi uga soo degatay Garoonka Jomo Kenyatta, lana ogyahay in ay la socdaan hal ruux, oo aanu kala cadayn dalalka ay u dhasheen.

Dhanka kale diyaarado doonaayay inay ka soo cago dhigtaan Garoonka Jomo Kenyatta, ayaa waxaa loo weeciyay Garoomada kale ee Magaalada Nairobi ku yaala.

Shilkaan diyaaradeed, ayaa noqonaayo noociisii ugu horeeyay oo ka dhaca Magaalada Nairobi, tan iyo markii la guda galay sanadkaan cusub, iyadoo ay xusid mudan tahay in diyaarado badan ay sanadkii tagey ku burbureen Garoomada Duulimaadyada ee Magaalada Nairobi

.Salaanmedia/Moqdisho