Isticmaalka ama qaadashada Kiniinka Asprin ayaa la sheeegay in ay yareyso khatarta kansarka ku dhaca caloosha sida ay cilmi baadhis ku ogaadeen dhakhaatiir ku sugan cariga Ingiriiska.index

image(SM-London)-Isticmaalka ama qaadashada Kiniinka Asprin ayaa la sheeegay in ay yareyso khatarta kansarka ku dhaca caloosha sida ay cilmi baadhis ku ogaadeen dhakhaatiir ku sugan cariga Ingiriiska.index

dhakhaatiirtan oo ka tirsan xarunta Queen Mary University of London ee magaalada London ayaa waxay sheegeen in qofka sida joogtada ah u isticmaala kiniinka Asprin uu inta badan ka badbaado halista kansarka ku dhaca caloosha .

‘Qaaadashada Kiniinka Asprinka waxaa uu yareeyaa kanserka caloosha” sidaana waxaa sheeegay Prof Jack Cuzik oo ka tirsan xarunta
Lakin waxay ka digeen xeeldheerayaashaas caafimaad ee cilmi baadhistan sameeyay in Asprinku uu dhinaca kale sababo dhiig bax gudaha ah ( internal bleeding).
Xeeldheerayaashu waxay sameeyeen in ka badan 200 daraasadood oo la xidhiidha arrintan waxayna ku ogaadeen in kiniinika Asprinku yareeyo khatarta kansarka iyagoona sheegay in 30-40%. uu hoos u dhigi karo khatarta kansarka.

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho slandtday