Daawo Sawiro…Jaaliyada G/Galbeedka Somaliland Ee London UK Oo Munaasibad Sagootin Ah U Samaysay Gudoomiye Ku Xigeenka WADDANI Md. Seed..

Jan 11, 2014 London (SM) – Munaasabad balaadhan oo lagu sabootinayay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga WADDANI Mudane Axmed Mu’min Seed ayaa xalay ka dhacay Magaalada London Ee Dalka Uk,xafladan balaadhan ayaa waxaa soo agaasimay Jaaliyada Somaliland ee Gobolada Galbeedka Dalka.
Munaasabadan ayaa intii ay socotay waxaa la isku waydaarsaday hadalo taariikhi ah iyo dardaaran waxaana diirada lagu saaray arrimo badan oo ay ka mid tahay horumarka,wax wada qabasiga,midnimada iyo qaranimada Somaliland sidii loo wada ilaashan lahaa.

Gabogabadii munaasabadan ayaa waxaa halkaas hadalo dardaaran iyo Talo ah bulsho waynta gobolada Galbeedka ee magaalada London u soo jeediyay Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga WADDANI Mudane Axmed Mu’min Seed waxa uuna ugu horeyn uga mahadceliyay sida diiran ee ay bulshada reer UK Guud ahaan iyo gaar ahaan jaaliyada Gobolada Galbeedka Somaliland u kala hadhin tan iyo intii uu dalka yimid soo dhawayntiisa isaga iyo waftigii uu hogaaminayay.

Mahadnaq dheer ka dib gudoomiyaha ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladaha guud ee Somaliland iyo gaar ahaan Xisbiga WADDANI ee uu gudoomiye ku xigeenka ka yahay isaga oo sheegay in xisbiga WADDANI yahay ka qudha ee qaranka Somaliland badbaadin kara iskuna keeni kara dadkii iyo dalkii mudadaas Afarta sanno ahayd ee xisbiga kulmiye hayay furfurmay haduu alla idmo waxa uuna bulshadii madashaas iskugu timid ku booriyay inay taageeraan Xisbiga WADDANI.
Sidoo kale Gudoomiye Seed ayaa waxa uu bulshadaas kala hadlay sidii ay uga shaqayn lahaayeen horumarka Somaliland iyo goboladii ay ka yimaadeen isaga oo sheegay in qurba joogi yihiin kuwa qudha ee burburkii ka dib lagu badbaaday ee dadkooda wax u taray abaal weyna bulshadoodu u hayaan waxa uuna sheegay in arinta hortaala jaaliyada Gobolada Galbeedku tahay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dhismaha dekeda Lughaya ee ay haatan hawsheedu socoto dal iyo dibadba,sidoo kale waxa uu kula dardaarmay inay midnimada iyo wax wada lahaanshaha dhexdooda adkeeyaan si loogu daydo waxa uuna alle uga baryay in halka ay joogaan ku nabad yeelo.

IMG_0327IMG_0334IMG_0338IMG_0339IMG_0343IMG_0346IMG_0350IMG_0352IMG_0362IMG_0366IMG_0372IMG_0378 (2)IMG_0388IMG_0389

Salaanmedia/London