“MADAXWEYNE RAYAALE UMAD AAN WAXBA HAYSAN BUU WEXEEDII KU DHOOFAA, OO REERKIISA KAXAYSTAA, MARKAA WAA INUU U WARAMO SHACBIGA OO..” M.SIILAANYO

17288

 

 

 

 

 

 

 

 

 

“Madaxweyne Umadda u sheeg sharciga aqoontaad u leeday iyo shahaadooyinka aad u sidato”. Weriye “ Anigu distoorka hala raacaan idhi ee maan odhan sharciga ma yaqaanaan, hadalkaygana ha qaloocin” Md. Rayaale Shalay: Madaxweyne Rayaale, musuqa, Saxaafadda iyo warsiinta shacabka Shalay: Gudoomiye Siilaanyo, dhaliishii musuqa, safaradda Madaxweynaha iyo warsiinta dadka Maanta: Madaxweyne Siilaanyo, musuqa, safaradda, saxaafadda iyo warsiinta dadka

 

Hargeysa, (SM)-Xisbiyadda mucaaridka ah ee Somaliland, madasha wada tashiga iyo siyaasiyiin madax banaan ayaa beryahanba ku celcelinayay, in xukuumaddu dadka uga waranto wada hadalada ay Soomaaliya kula jirto, xaqiiqdana ay ka sheegto wixii jira, isla markaana laga shaafiyo umadda dhan kastaba siyaasadda guud, golayaasha qaranka iyo xisbiyadda siyaasadana wax laga siiyo ka wada tashiga arrimaha dalka, si loo beegsado midnimo buuxda oo lagaga dabaasho duruufaha waqtigan la deriska ah dalka.

 

 

 

Inkastoo dhawaaqyadaasi isa soo tarayaan, haddana waxay sii xoogaysteen dhawaan markii ay dawladda soomaaliya fara gelin ku samaysay arrimaha Somaliland, isla markaana ay dawladda Shiinaha ugu baaqday in shirkad ay leeyihiin oo macdan ka qodda gobolka Awdal ay ka baxdo deegaankaa, taasina ay muujisay in durba ay Muqdisho ka baxday heshiiskii Jabuuti ee ay ku kala saxeexdeen Hargeysa iyo Muqdisho. Wixii dhawaaqaa oo weli sii qoyan ka dambeeyay, waxay xisbiyada mucaaridka, xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood iyo xooggaga kale ee siyaasadu soo saareen baaqyo dulucdoodu tahay, in xukuumadda Siilaanyo gebi ahaanba ka baxdo oo joojiso wada hadalka aan midho dhalka ahayn ee loo balansan yahay meertadooda.hase yeeshee xukuumaddu waxay sheegtay inay sii wadayso wada xaajoodka, arrintaa dhinaca Muqdisho ka soo yeedhayna ay kala hadli doonaan Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh.

Waxa loo arkaa markii labaad inay xukuumadda Siilaanyo weji gabax syaasadeed kala kulantay wada hadalka, isla markaana dhamaadkii shirkii Jabuuti Madaxweynaha soomaaliya wuxuu si cad u sheegay, in sanadkan haatan bilowga ah,guulo waawayn oo dhinaca midnimadda Soomaaliya ah laga gaadhi doono wada hadalka. Balse madaxweyne Siilaanyo markii uu ka soo laabtay jabuuti, lamuu soo degin badheedhe kaa la mid ah,isla markaana ilbidhiqsiyo uu erayo mahadnaq ah iyo in heshiis la galay jeediyay, kadib wuu ka dhaqaaqay mikirifoonka, in wax la waydiiyana lama ogolaan, cid wax waydiisa oo saxaafadda ka tirsana looma sii daayaba, dhawr weriye oo warbaahinta dawladda ah oo had iyo goor la hor geeyana, awal hore su,aal su,aal muunad ah oo ay waydiin jireen, maalintaa looma ogolaan. Qodob ka mid ah qodobadda heshiiska Jabuuti oo nuxurkiisu yahay, in lagu dhiirado ka wada hadalka arrimaha masiiriga ah, ayaa isna u muuqda bar tilmaameedka u wayn ee Xasan Sheekh sheegay inuu guusha midnimadda ka filayo, isla markaana la tuhunsan yahay inuu yahay ka ugu wayn ee dadka Somaliland tafsiirka uga fadhiyaan.

Shalay: Gudoomiye Siilaanyo

Badi Falanqaynta amuurahaa hordhaca u ah qalinka wargeyska Ogaal, waxaynu axadhi doonaa maalmo kale, balse haatan waxaynu qormadan si gaar ah ugu eegi doonaa, xilligii mucaaridka siduu rabay in Madaxweynuhu ula dhaqmo dadka iyo haatan oo uu madaxweyne yahay siduu ula dhaqmo. Weedhahani waxay qayb ka yihiin dhigaalka hadaladii mucaaradnimo ee Axmed Siilaanyo.

Wasladan wuxuu qalinku ka soo dheegtay hadal dheer oo uu ka jeediyay madal ka mid ahayd munaasibadihii halganka mucaaridnimo ee Kulmiye, isla markaana wuxuu Madaxweynuhu waqtigaa uu ahaa gudoomiyaha si wayn ugu tirtirsiyay Madaxweyne Rayaale, inay khasab tahay inuu dadka uga waramo wuxuu kala soo noqday safaro dibadeed oo uu ka soo laabtay. Axmed Siilaanyo Wuxuu yidhi; “Madaxweynuhu dalka iyo dadkuu ka wakiil yahay, mar walba dibadduu u baxayaa, umadduu u maqan yahay, xaq baa, waajib baa, shacabka iyo qarankuba u leeyahay hawsha uu soo qabtay,Inuu uga waramo, oo uu u sheego shacabka wuxuu soo qabtay, wuxuu u soo kordhiyay iyo wuxuu soo waayay, sharci iyo xaqbaa loogu leeyahay. lacagtoodii buu kharash gareeyay, oo reerkiisii kaxaystay, oo cid gaar ah kaxaystay, umad aan waxba haysan buu wexeedii ku dhoofay, markaa inuu shacbiga u waramo xaq baa loogu leeyahay”.

Musuq maasuqu wuxuu ahaa waagaa mawduuca ugu wayn ama hubka ugu wayn ee Axmed Siilaanyo ku dhaliili jiray Dahir Rayaale. Hantidii umaddaa lagu tagri falayaa, islaamaha masaakiinta ah ee bacadka fadhiya shilimaadkii laga qaaday baa lagu tamashlaynayaa… erayadaa iyo qaar kale oo la mid ahiba waxay bud dhig u ahaan jireen dooddihii Md. Siilaanyo ee mucaaridnimo. Taa bedelkeedana wuxuu balan qaadi jiray inuu tirtirayo dhaqamadaa markuu kursiga fuulo. Saxaafaddu wax kasta oo ay faafiso anshaxa ha waafaqsanaadeen ama yay waafaqsanaane, wixii wax u dhimaya Rayaale mucaaridku raali bay ka ahaayeen, saxaafaduna khaladaad badan oon la koobi Karin ayay sidaa ku geli jirtay. Haddaba, waxay is waydiintu tahay, maanta waa sidee hogaaminta Md. Siilaanyo ee qodobadaa la xidhiidhaa?, dadka ma ugu waramaa, siduu odhan jiray haloogu waramo?, kuwaa iyo qaar kale oo la olog ahiba qayb bay ka yihiin falanqayntan, balse marka hore aan dib u jaleecno Daahir Rayaale iyo siduu arrimahaa ku ahaa.

Shalay iyo Daahir Rayaale

Madaxweyne Daahir Rayaale xilligiisii dabcan wuxuu lahaa dhaliilo waagaa uu joogay, mucaaridka ugu muuqday laf jab, balse maanta marka dib loo eego sawir ka duwan kii hore loo yeelo qaarkood, siiba marka la barbar dhigo waqtigan waxa socda. Hase yeeshee Daahir Rayaale, dadka siyaabo kala duwan ayuu ula hadli jiray. Mar toos bay ugu kulmi jireen fagaarayaasha, weliba xusaska muhiimka oo keliya kuma koobnayn, ee marar kale ayuu toos ula hadli jiray. Marna warbaahinta ayuu u marin jiray oo wuxuu qaban jiray shirar saxaafadeed oo xor ah oo lagu waydiin jiray wax kasta, isla markaana muu kala sooci jirin weriyayaasha ee dhinac kastaaba wuu iman jiray. Wixii la waydiiyana, luqad kasta ama qaab kastaba haloo waydiiyee, wax buu ka odhan jiray. Jawaabtiisu waxay doontaba ha ahaato, balse wuxuu ogolaa in la hor yimaado oo wax la waydiiyo. Dhinac marka laga eego dhaliilaha runta ah ee saxaafadu ka qorto, kumuu dhaqmi jirin oo sixitaankooda kumuu dheerayn jirin, laakiin dhanka kalena difaac iyo jawaab joogto ah muu lahayn ee dulqaad buu u lahaa wax badan oo gar iyo gardaraba laga qoray. Shirarkii uu saxaafada ku waajahay mid ka mid ah ayaa qalinku ka soo garoocday tusaalahan.

Su,aashan waxa waydiiyay Madaxweyne Rayaale, nin weriye markaa ka ahaa idaacad mamnuuc ka ahayd dalka oo la odhan jiray Hor yaal oo xisbiga Kulmiye lahaa, taasoo la odhan karo waxay ka dhignayd idaacad gobanimo doon. Weriyahaa iyo qaar kale oola mid ahaa, iyagoo ka hawl gelayay hay,ad aan ku jirin xayndaabkii saxaafadda sharciyan laga ogol yahay dalka, haddana, waxa u furaa inay ka qayb galaan shirarka jaraa,id ee madaxtooyadda, waxna waydiiyaan Madaxweynaha. Dabcan, weriyuhuba dulmi buu tirsanayay, oo xuquuq uu lahaa ayaa laga duudsiyay, ilaa haddana duudsigaa xuquuqaha aasaasiga ahi waa mid jira, oo weriyaha warbaahinta dawladda joogaa dhexdhexaad hadduu isu dhigo, ma dhibaato la,aado. Laakiin libdhada soo baxdaa, dharaarba waayaheeda leh.

Sidaa daraadeed, weriyuhu wuxuu madaxweyne Rayaale waydiiyay su,aashan; wuxuu yidhi; “Waxaan jecelahay in aan ku waydiiyo laba su’aalood, midda koowaad waxaa weeye, marar fara badan oo aad Golaha wakiilada la hadlaysay, waxaad tidhi siyaasiyiinta mucaaridku sharciga ma yaqaanaan, maalin dhawayd oo aad jaaliyada Norwey la hadlaysayna, waxaad ku tidhi sharciga ma taqaanaan, waxaad kale oo marka ay weriyayaashu su’aal ku waydiiyaan aad tidhaahdaa, adigoo kulul sharciga soo barta. Bal Marka umadda u sheeg sharciga aqoonta aad u leedahay iyo shahaadooyinka aad u sidato, islamarkaana haddii aad sharciga sidaa u taqaanno, maxaad dalkan aad madaxweynaha ka tahay ee musuqmaasuqa iyo caddaalad-daradu jilbaha dhigtay aad ugu dhiqi wayday”.

Inkastoo curfiga weriyuhu u muuqday mid caadifad iyo cadho ku ladhnayd, haddana, Madaxweyne Rayaale wuxuu ku jawaabay sidan; “Horta anigu ma ogi waxaad ka sheekeenayso, adaa og. Musuqmaasuq ma jiro, caddaalad-darana ma jirto, Maxkamaduhuna waa maxkamado xor ah. Sharcigana aan kaaga waramo, horta madaxweynaan ahay oo distuurka ninka ilaalinayaan ahay, toban sannadoodna waan ka shaqaynayay, distoorka ha la raacaan idhi ee maan odhan sharciga ma yaqaanaan, hadalkaygana ha qaloocin. Distoorka in la raacana nin laga baryayaa ma jiro, aniga laga baryi maayo, nin kalena laga baryi maayo”.

Midhkiisii wuu yidhi. Midh difaac oon garawshiinyo lahayn siday caanka ku yihiin madaxda afrikaanku ayuu yidhi. Laakiin taasi may qarin karaynin, qaloocii, khaladaadkii iyo musuqii maamulkiisa. Hase ahaatee, wuxuu ogolaaday in la hor yimaado oo sidaa wax loo waydiiyo. Sidaa awgeed, wuxuu dhaamay mid dhigiisa ah oo ay isku duruuf yihiin, balse aan ogolayn in la hor yimaado oo waydiimahaa iyo kuwo ka daran la waydiiyo.

Maanta iyo Madaxweyne Siilaanyo

Markii uu kursiga ku fadhiistayba waxa la sheegaa, inay is bedeleen dhaqamadii hore. Intii uu taladda hayay madaxweyne siilaanyo, wuxuu dadka la hadlaa badanaa munaasibada 18may. Mar kale wuxuu la hadlaa labada gole markuu jeedinayo khudbad sanadeedka, taasoo lafteedu marmar daahda. Xilliyada socdaalada ayaa iyana noqota mar kale oo uu hadba meeshuu marayo erayo kooban ka yidhaahdo.

Intaa waxa dheer hadalka uu warbaahinta u mariyo, siiba filim duubayaal kooban oo ta dawlada iyo Tvyada kale isugu jira, mararka qaarna kamarada dawlada oo keliya lagu duubo, kadibna loogu qaybiyo inta kale, wargeysyadana Emaillada ayaa loogu soo diraa. Mar mar way dhacday, in weriyayaasha la xulo ee Tvyadda u badan mid ka mid ahi su,aal fiican waydiiyo, siiba xilliyada uu dhoofayo ama soo degayo, hase yeeshee lama sheegin shir saxaafadeed xor ah oo madaxweynuhu ku qaabilay saxaafadda laguna waydiiyay su,aalo muhiim ah, sidii horeba u dhici jirtay. Iska daa, mid aan laga jeclayn madaxtooyada oo loo ogolaado inuu ka qayb galo shir jaraa,id. Taa waxa ka horeeya horta ma dhacaa?. Su,aal su,aal waadaal ah oo waqtiyada dhoofka ama soo degista kuwa la soo xulay mid ka mid ah Alle ka yeedhsiiyo, oo isna isha lagu wada weeciyo mooyee, waxa kale waa hadal laga soo duubo, oon maydhax iyo diirasho mulaax kale oo ladhaysa lahayn, weliba dhawr weriye ee dawlada ee la siiyo fursada, ayaa laga weedhaa oo had iyo goor aad arkaysaa, xubno kala duwan oo madaxtooyada ka hawl gala iyo xitaa mararka qaar wasiiro gacmaha taagaya, oo isku xeeray oo leh, maya, way dhamaatay, su,aal dambe lama waydiin karo, oo maxaa la waydiiyay.

Dhinac kale marka laga dhugto Madaxweyne Siilaanyo laftiisa waxyaabo gef ah iyo wax run ahba waa laga qoraa, hase ahaatee waxa lagu tilmaamaa hogaamiye aan dulqaad badan u lahayn dhaliisha. Musuqa xukuumaddiisa loo tiriyo ayaa falanqeeyayaashu ku tilmaamaan mid heerkii ugu sareeyay abid gaadhay, laakiin, jawaabtiisu kama tagana tii Rayaale.

Gunaanad

Guntii iyo khatimaadii falanqayntan wuxuu qalinku ku soo gaabinayaa, “waxaan shalayto yeellaan, maantana la yaabaa”. Wixii intaa dheerna wuxuu u dhaafayaa ahkristayaasha.

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho:W/Ogaal