Madaxweyne Siilaanyo Oo Cafis u Fidiyay laba Xildhibaan Oo ka tirsan G Deegaanka Boorame

SIILAANYO

Hargeysa (SM)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa cafis u fidiyay laba xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka Boorame oo la xidhay ka dib markii lagu eedeeyay inay bulshada gobolka awdal ay kicinayeen.

Cafiska madaxweynaha waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha  Somaliland, Mudane. AxmedMaxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2911/012015, uu cafis ugu fidiyey laba xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Boorama.
Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 149aad ee Xeerka Ciqaabta Guud;
Markuu Tixgeliyey: Codsiga Cafiska ah ee Xildhibaanada halkan ku lifaaqan.
Wuxuu Go’aamiyey
In uu cafis gaar ahaaneed u fidiyo maxaabiista Xildhibaan Xasan Muxumed Cumar iyo iyo Xildhibaan Ibraahim Axmed Liibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Boorama.”

Salaanmedia/Hargaysa