War deg-dega,Allah ha u naxariistee Waxa maanta Hargaysa ku geeriyooday Fanaanka Maxamed Axmed Kuluc…

imageHargeysa(SM)January-17-2015-Alle Naxariistiisa Janno ha ka waraabiyee Fannaankii Caanka ahaa ee Maxamed Axmed Kuluc, ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa kaddib markii uu in muddo ah Xanuunsanayay.
Agaasimaha Cisbitaalka Hargeysa,a yaa saxaafadda u sheegay in Marxuumku ku geeriyooday Qaybta Gargaarka degdeg ah ee Cisbitaalka ka dib markii Neeftu qabatay.
Fannaanka Maxamed Axmed Kuluc wuxuu ka mid ahaa Fannaaniinta Caanka ka ah ee laga wada yaqaanay Gayiga Soomaalidu degto. Dhamaan Hawl wadeenadda shabakadda Salaanmedia waxay Tacsi u dirayaan Ehelka,Asxaabta, Bahda Fanka iyo Guud ahaan Bulshada uu ka baxay Fannaanka Maxamed Axmed Kuluc, annagoo Alle uga baryayna Marxuumka inuu Illaahay Naxariistiisa Janno ka waraabiyo, Ehelka iyo Asxaabta iyo Bulshada kalena Samir iyo Iimaanka siiyo Cawil khayr qabana ugu bedelo halkii uu ka baxay.

Salaanmedia/Hargaysa