Warar dheerad ah oo kasoo baxaayo Kulankii Maanta Ee Baarlamaanka Soomaaliya Iyo Warqad Loo Diray Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid


images

Kulan maanta ay isugu imaaden Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxa ay uga hadleen Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka Hanti dhowrka guud ee Qaranka iyo qodobo kale.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Golaha shacabka Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa xaadiray Xildhibaano tiro ahaan lagu sheegay ilaa 167.

Kulanka ayaa waxaa shir gudoominaayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxa uuna kulanka ka sheegay Ajandaha shirka oo ay kamid aheyd Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka Hanti dhowrka guud ee Qaranka iyo qodobo kale.

Sidoo kale, Intaasi ka dib ayaa cod la geliyay in gudigaasi loo codeeyo in la sameeyo iyo in kale, waxaana codeyn ka dib la’isku raacay in gudigaan la sameeyo.

Xildhibaanada baarlamaanka qaar ay ku kala aragti duwanaadeen waqtiga la keenayo Baarlamaanka golaha wasiirada cusub ilaa ugu dambeyn la’isla ogolaaday in sidii hore loo qorsheeyay maalinta Sabtida ah ay noqoto Kalsooni siinta Wasiirada.

wd1 wd2