Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyo lagu weeraray Saldhig ciidamada Puntland ku leeyihiin Magaalada Boosaaso

timthumb (1)

Wararka inaga soo gaadhaya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, ayaa sheegaya in xalay qaraxyo bambooyin ah lagu weeraray Saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Booliiska Magaalada Boosaaso.

Saldhigaan oo ku yaala Badhtamaha Magaalada Boosaaso, ayaa waxaa lagu tuuray labo bam gacmeed oo khasaaro dhaawac ah uu ka dhashay, iyadoo Askartii dhaawacantay loo qaaday Isbitaalka Magaalada Boosaaso.

Xalay fiidkii xilli ciidamada ay ku sugnaayeen Saldhiga gudihiisa ayaa  marqura ay ka warheleen jugta qaraxyo bambooyin ah, waxaana qaraxyada ay ku dhaceen gudaha Saldhiga, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan Askarta halkaasi ku dhaawacantay tiradooda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Askarta dhaawaca uu soo gaaray ay gaarayaan ilaa 4-Askari halka warar kalena ay sheegayaan in 2-askari ay yihiin Askarta dhaawaca soo gaaray laakiin makala cada, welina saraakiisha ammaanka Magaalada Boosaaso kama aysan hadlin qaraxyadaan.

Wariye ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa soo sheegaya in qaraxyadaan ay yihiin kuwii labaad oo muddo labo isbuuc gudahooda ah ka dhacaan Magaalada Boosaaso, wuxuuna sheegayaa Wariyaha in amniga Magaalada uu yara xumaaday.

Ciidamada Puntland ayaa dagaal culus kula jira ciidamada Shabaab ee ka dagaalamaya Buuraha Gal-gala ee Gobolka Bari, iyadoo amnidarada ka jirta Magaalada Boosaaso loo aaneynaayo inay ka dambeeyaan Shabaabka hubaysan.

Saraakiisha Puntland ee Buuraha Gal-gala ayaa shalay Saxaafadda u sheegay inay soo afjareen wajigii labaad dagaalada ka dhanka ah Kooxda Shabaab ee Buuraha Gal-gala ka socday.

Salaanmedia/Moqdisho