Warsaxafadeed…Beel-weynta Arab ee ku dhaqan dibad iyo gudo oo kalsoonidii kala noqday xukumadda Madaxweyne Siilaanyo……Akhriso

NEWS5555

Warsaxafadeed ay soo saareen gudida beel weynta Arab ee ku nool Qaaradaha Yurub,Asiya,Afrika iyo Amerika oo soo gaadhay shabakadda caalamiga ee Salaanmedia waxa ay kal soonigii kala noqdeen xukumadda Madaxweyne Siilaanyo. Hadalkoodiina waxa uu u qornaa sidan.

Markii aanu aragnay cadaaladarada ay wado xukumadda Somaliland.

Markii aanu aragnay dhulboobka iyo eexda ay xukumada Somaliland wado.

Markii wasiirka Madaxtooyadda Xirsi ay kasoo yeedhay dhaqan xumo ku saabsan xadidaada iyo qiimeynta shareecada Islaamku waxay banaysay. Arintaas oo aan dib idiinka soo sheegi doono.

Markii aanu aragnay wax qabad la’aanta ka jirta degaanka beesha Arab ee xaga caafimaadka,Waxbarashadda,wadooyinka,Biyaha iyo arimaha bulshada oo dhan.

Markii aanu aragnay xaaladda galbeedka Somaliland iyo kala fogaanshiiyaha dadka walaalaha ah ee xukumadu wada,kana soo horjeedno waxa ka jira.

markii aanu aragnay jiritaanka Somaliland ee dhiiga losoo daadiyey oo mel halisa maraaya,xukumaddanina ku milantay Somalia.

Markii aanu aragnay hantidii shacabka oo sidii doono laga yeelaayo gacantana loo galinaayo shakhsiyaad xukumadda gacan saar la leh.

iyo Waxyeelooyin badan oo aanan halkan lagu soo koobi karin .

Waxa beelweynta Arab oo isku duubay gudo iyo dibadba ay kalsoonigii kala noqdeen xukumadda uu hogaaminaayo madaxweyne Siilaanyo.

Waxa aanu si gaara u CANBAAREYNAYNAA sida TVga Madaxtooyada uu mar walba ku faanayo wadada bali-gubadle -Hargaysa oo uu ku caawiyey $100.000 dollar kana dhiibay gacanta,waxayna beelweynta Arab go’aan ku gadheen in $100.000 dollar xukumadda loo celiyo,taasina meesha ka saarto sheegashada xukumadda ee wadadda dadka degaanku yagleeleen.

Waxa ku saxeexan gudida hoos ku qoran.

Gudida beesha Arab….. Germany

Maxamed Yusuf Xasan ( shactirole )

Jibriil abiib collow

Liibaan Jaambiir

Shiine Daahir faarax
Abshir cabdi rooble

Khaalid cabdi Yuusuf Miino
Mahad maxamed farax ( indhayare )

Maxamed Cawil

Khaalid axmed Ibrahin naysha

Sidiiq ciise diiriye

Nasradiin geeljire
Cabdi Xasan seaman.

Gudida beesha arab …………. London 

1-maxamed Ibraahim muuse (biiti )

2-xasan maxamed finiin

3-xuseen adan 

4 c/rashiid  xasan

5-khadar ali 

6-nimco abdi

7 rooda  cismaan

8 xuseen ali

 
Sharmake ahmed Ismaciil
Jamac cabdi giire

Gudid beesha Arab…………… Sweden

Yuusuf nuux Yuusuf ( tadhase )

Cabdiqani Xasan Warsame ( yaanyo )

Amiin Cabdi Xiis

Cabdi xayle
Axmed cali caydiid xeerbegti

Mustafe cumar Saajin
Ayaanle cabdi careef
Cabdi. Rashiid sool.

Craxmaan digle
Dayib aadan xabashi
Maxamed cabdiy uusuf
Xamse xaaji xasan
Xamse siyaad aw cabdi
Xuseen cilmi
Maxamed raabi farax
Eng crisaaq cilmi
Abiib cabdi rooble

Gudoomiyaha

Maxamed Ibraahim Muuse (BIITI)