Abuu Muscab ” Xildhibaanada Soomaaliya Waxaa loo Beegsanayaa waxey Sheegteen Golaha Sharci Dejinta”.

alshabab344

Afhayeenka Ciidamada Al-Shabaab Sheekh Cabdalcasiis Abuu Muscab ayaa ka hadlay xildhibaan shalay Lagu dilay Muqdisho oo Lagu Magacaabi jiray Cabdullaahi Qayaad Barre.

Abuu Muscab ayaa sheegay in Ciidamadooda ay degmada Xamar Jajab ku dileen Xildhibaan Cabdullaahi Qayaad iyo laba nin oo ilaaladiisa ahaa.

Afhayeenka Al-Shabaab ee dhinaca howlgalada ayaa sidoo kale ku goodiyay in madaxyada ay ka guri doonaan xildhibaanada kale ee ku jira Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Abuu Muscab ayaa sidoo kale waxaa uu yidhi  ”Xildhibaanada Baarlamanka Waxey isku tilmaameen Sharci dajiye yaal, sharci waa kii Alle cidii wax kale la timaado waan la dagaalameynaa”.

Salaanmedia/Moqdisho