Akhriso “Magacyada Iyo Qabiilada Ay Kasoo Jeedaan Xubnaha Cusub Ee Golaha Wasiirada Soomaaliya ee La ansaxiyay!!

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa codka kalsoonida waxa ay u qaadeen Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo Shalay uu Baarlamaanka horgeeyay Ra’izul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali.

Kulanka Baarlamaanka ee Shalay waxaa xaadir ku ahaa Xildhibaano gaaraya 213 xildhibaan, waxaana Codka loo qaadayay qaab gacan taag oo saf saf ah, waxaana inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka ay u muuqdeen kuwa la dhacsanaa Xukuumada Soomaaliya
barlamaan

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari oo ka hadlay natiijada cod bixinta ayaa sheegay in 213 xildhibaan ay kulan goob jog ahaayeen, waxa uuna sheegay in 191-Xildhibaan ay codka kalsoonida siiyeen Xukuumada cusub halka ay diideen 22 xildhibaan.

Ugu Danbayntii Shabakadda Allbanaadir.com ayaa Markii la Ansaxiya Wasiirada Cusub Waxa ay Aqristaaasha ku Xiran Shabadda u soo bandhigasaa Wasiirada iyo Qabiilada ay kasoo jeedaan

Hadaba Hoos ka Akhriso Wasiirada iyo Qabiilada ay kasoo jeedaan

Beesha Hawiye

1) Cabdirixhman Maxamed Xuseen Odawaa W. Arrimaha Gudaha & Federaalka (Hawiye, Habargidir)
2) Cabdirixman Yusuf Cali Caynte W.Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga, (Hawiye, Mursade)
3) Maxamed Mukhtaar Ibrahim Wasaaradda, Wasaaradda Batroolka & Macadanta (Hawiye, Gaaljecel)
4) C/risaaq Cumar Maxamed W. Amniga Gudaha. Hawiye, Xawaadle,
5) Maxamed Cabdullahi Xasan (Nuux) Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga (Hawiye, Jidle)

Beesha Daarood

1) Cabdulqaadir Sh. Cali Diini W. Gashaandhigga ( Daarood,Mareexaan)
2) Khadra Bashiir Cali W. Waxbarashada, (Daarood, Leelkase)
3) Cali Axmed Jaamac “Jangali” Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada.. (Darood, Dhulbahante)
4) Guled Xusen Qasim W. Bostada iyo Isgaariinta. (Daarood, Ogaadeen)
5) C/lahi Axmed Jamac (Ilka Jiir), W. Cadaaladda. (Daarood, Warsangeli)

Beesha Dir

1) Max’ed Cumar Carte R. Wasaare Ku Xigeen (Dir, Isaaq, Habar Awal)
2) Axmed Xasan Gaboobe W. Beeraha . (Dir, Biimaal, Gaadsan)
3) Cabdisalaan Hadliye Cumar W. Arr. Dibadda. (Dir, Gadabuursi, Makahil)
4) Nuur Faarax Xirsi Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda. (Dir, Habar Yoonis)
5) Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, W. Warfafinta. (Dir, Isaaq, Habar Jeclo)
6) Cabdulqadir Sh. Cali Baqdaadi, W. Awqaafta iyo Arrimaha Diinta. (Dir, Aw Saciid)

Beesha Digil iyo Mirifle

1) Maxamed Aadan Ibraahim “Fargeti” Wasaaradda Maaliyadda, (Mirifle, Sideed, Boqol Hore)
2) Saalax Sh. Cusmaan Muuse Wasaaradda Howlaha Guud & Dib-U-Dhiska,( Digil, Galadi)
3) Xaawo Xasan Maxamed Wasaaradda Caafimaadka. (Mirifle, Hadamo, Geel Je’el )
4) Maxamed Xasan Aadan (Shaahiyow), W. Korontada iyo Biyaha. (Digil……)
5) Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, Wasaaradda Dastuurka (Digil, Dabare)

Beesha Shanaad

1) Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan, W. Gamacsiga Iyo Warshadaha (Beesha Shanaad, Ajuuraan)
2) Siciid Xuseen Ciid Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa, (Beesha Shanaad, Carab Saalax)
3) Maxamed Cumar Ceymooy, W. Kalluumeysiga Kheyraadka Badda. (Beesha Shanaad, Jareer Weyne, Shiidle)
4) Sahra Maxamed Cali Samatar Wasaaradda Haweenka & Hormarinta Xuquuqda Aadanaha, (Beesha Shanaad)
5) Cabdweli Ibraahim Sh. Muudey, W. Shaqada iyo Shaqaalaha. (Beesha Shanaad, Reer Aw Xasan)