ARINTA XUKUUMADDA KULMIYE MA WAXAY NOQOTAY AYNU QADAYNEE QARANKA KHIYAAME?

ARINTA XUKUUMADDA KULMIYE MA WAXAY NOQOTAY AYNU QADAYNEE  QARANKA KHIYAAME?

MAQAAL

WAXAN  OGNAHAY in ay xukumada kulmiye ku faanto waxqab iyo maashaariic  horumarineed oo ay dalka ka hirgalisay kuwaas oo marka si saxa loo xisabtamo  ku soo ururaya  dhalanteed iyo been la buunbuniyey isla markana  ay ka buuxdo khiyaamo  iyo wax isdabamarin kuwaaso si umada looga qariyo ama anay u ogaanin xaqiiqada dhabta ah la sameeyo barnaamijyo indhosarcaad iyo jaahwareerin rayga dad weynaha   sida dhagax dhigid , xadhig ka jarid , furitaan ama daahfur , oo u jeedada lagaga leeyahay keliya tahay taan kor ku sheegnay  tusaale ahan mashruucyada xukumadani ku faanto waxa ka mid ah airportka hargeisa , hadaba waxa isweydin leh:

  • Airportka maxaa laga qabtaY ? 
  • maxa ku baxay?
  • sidee qorshuhu aha in laga dhigo ? 
  • Sidee  se laga dhigay ? 

Wax muuqda oo airportka laga qabtay waxa jira  in dhowr qol meesha laga dhisay qaar kalena la rinjiyeyey daaqada alumunium ahna la galiyey isla markaana kuwa kalena muraayado lagu kala xidhxidhay kuraasna waa la dhigay waxa kale oo jirta meelaha qaarna la kabkabay iyo in runwayga la dheereeyey  oo waxaan ad u badnayn lagu daray oo welibana qualitygeduna aanu fiicneyn meelo badana laydh baa lagu xidhay  dhirna waa lagu beeray marmarna waa la dhigay meelaha qaar, kamaradana waa lagu xidhay.

 hadaba waxa isweydiin leh akhriste haddi waxa airportka laga qabtay ay intaas tahay waa imisa kharashka ku bixi kara  ?

maxaa uu wasiirku sheegay inay ku baxdey?

 waxaan ognahay in dawlada Kuwait ay ugu deeqday Somaliland  8 milyan si loogu hagaajiyo oo dib loogu casriyeeyo airportka hargeisa lacagtaas oo laba phase lahayd oo inteedii badan ay soo wada gadhay somaliland isla markana uu wasiirku sheego in siday ahayd loo isticmaalay.

 hadaba  aan isweydinee airportka hargeisa ma u eegyahay mid 8 milyan gashey ?!

sidee ayey ahayd in laga dhigo ? 

waxa qorshuhu ahaa in airportka inta la dumiyo sagxadana la qaado in dib loo soo dhiso siduu u noqdo airport buuxiya shurudaha airpordada calaamiga ah, nasiibdaro taas may dhicin  ee waxa la sameeyey in wax la dhabdhabo oo la dhoodhoobo  lacagtina meesha ay gashay Ilaa hada aan si saxa looga xisaabtamin  hadaba waxan ushegayna umada Somaliland inanaay jirin waxqabad la taaban karo oo si saxa loo sameeyey wasiirkuna wuxu airportka ka dhigtay dukaan uu leeyahay oo maalinba wuxuu ku soo rogaa dadka ka dhoofaya iyo kuwa ka soo dagaaya lacago  sharcidarro ah oo aan la aqoon meeshay marto.                                                                                                                                                         

2.  Qandaraasyada beenta ah ee ku salaysan eexda iyo xatooyada xoolaha ummada .

Tan iyo intii xukumadani jirtay waxaan ka warqabnaa  iney  bixisay qandaraasyo iyo mashaariic garabmarsan shuruucda  iyo qawaaninta dalka kuwaas oo ay saldhig u tahy eex ,musuqmaasuq iyo qof jeclaysi kuwaso lagu dhacayo xoolaha dadweynaha  iyadoo qandaraasyada la siiyo shirkado been abuur ah oo an jirin ama shakhsi kaligii ah oo aan haysan wax hanti ah oo ku fuliyo mashrucaas ka dibna qasnada dawlada looga soo iibiyo qalabkii oo ku fulin lahaa hawsha sida khiyamaaysan loo siiyey isla markaana magaciisa lagu qoro qalabkii laga soo iibiyey hantida umadda oo lagu sheego inu isagu leeyahay .sido kale qandaraasyada lacagta lagu cuno ee aan jirin waxa  ka mid ah qandarasyada iyo heshiisyada xukumaddu la gasho shirkadaha been abuurka ah ee shiidaal baadhista kuwaaso ujeedada keliya ay ka leedahay xukumaddu tahay iney xooga shillinmad ah ka hesho .

Waxa sidoo kale masuuliyiin xukuumadan ka tirsani ku caan baxeen boobka iyo xadida kheyraadka dabiiciga ah ee dalka sida macdanaha qaaliga ah kuwaaso si tahriib ah loogu iibgeeyo suuqyada dibada  dana shakhsiyadeedna looga faaidaysto. Ayadaan oganahay in wasiirada qaar markii lagu qabtay iyagoo tahriibinaya dhagxaan qaaliya ay sheegeen inay hadyad u bixinayeen!

Intaas uun kuma koobna khiyaamada iyo dhaca ay dalka ku hayso xukuumadani ee mushruuc kasta oo ay fuliso umma dhaco sidii loogu talogalay ee waa mid la shaxaado oo aan yeelan tilmaamihii laga doonaayay. Arrintaa waad ka arki kartaa wadooyinka, Biyo galinta magaalada hargaysa, qandaasyada diiwaangalinta, dhismayaasha kale duwan. Waxaan ka warhaynaa in xukuumadani xaraashtay ina dad si shacidarro ah dad u siinay hantidii ma guurtada ahayd ee qaranka si ay lacag uga samayso. Dhammaan hay’adihii dawalda ee madaxabanaanaa lagu weejiyay dad ganacsato ah oo dano kala duwan laga leeyahay, sida hay’addii korantada ee hargaysa iyo berbera ayadoo la sheegay in dawladu kharash ay wado u wayday,inagoo maanka u hayna in waxa ugu weyn xukuumadani ku faanto inay kurdhisay miisaaniyada qaran isla markaan dakhliga dawladu kor u kacay oo ay khasnada dawlada ku jirto malaayiin labadaas arrin oo ah kuwo aan isqabanayn.

Guntii iyo gabagabadi umadda reer Somaliland waxay khaati ka istaagen musuqmaasuqa eexda iyo khiyaanada xukumadani ku hayso dalka iyo dadka, Sidoo kale waxa cadaatay in madaxda xukuumadani aanay wax rajo ah kala lahayn dalka ee ay raadinayaan macaash iyo qado maalin ah, waxaana ka dhammaaday dulqaadkii dariiqa kaliya ee xukuumadan u furani waxa weeye inay  doorashada wakhtigii loogu tala galay ku qabato wakhtigaas oo ay ka hadhsan tahay 123 maalmood oo kaliya waayo suuragal ma aha in wakhti kale la siiyo dadka noocan ah waxanan  taageersanahay mowqifkii ay xisbiyada mucaaridka iyo madasha wadatashigu ay ka gadheen wanaan ku taageersanahay mana ogalin korodhsimo  aan sharci ahayn inu dalka madaxweynuhu ku fadhiyo.

 

Ahmed mohamed 

ahmeddaahir45@gmail.com

Â