BAAQ…Jaaliyadda Reer Saaxil Ee Magaalooyinka UK Ee Bermingham, Cardiff Iyo Bristol, Waxanu Madaxweyne Siilaanyo Ku Canbaaraynaynaa Weerarka Qaawan Ee Qabiileysan Ee Uu Ku Soo Qaaday Magaaladii Berbera:

Jaaliyadda Reer  Saaxil Ee Magaalooyinka UK Ee  Bermingham, Cardiff  Iyo Bristol, Waxanu   Madaxweyne   Siilaanyo  Ku  Canbaaraynaynaa  Weerarka  Qaawan Ee Qabiileysan Ee Uu Ku Soo Qaaday Magaaladii Berbera:

Baaq

 

Jaaliyadda reer  Saaxil ee Magaalooyinka UK ee Bermingham, Cardiff iyo Bristol oo canbaareeyay , falka waxshinimada ah ee ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku wareejinayso  Dekedda Berbera, arrintaas oo dadka reer  Saaxil dhamaantood guda iyo dibadba ay ka soo horjeedaan.

 

Dad reer Saaxil waxay muujiyeen dulqaad badan iyagoo illaalinaya  Qaranimada Somaliland, laakiin Madaxweyne Siilaanyo illaa maanta illaa maalintii xilka Madaxweyne loo doortay isagu wuxu ku mashquulsanaa Dagaal ka dhan ah Deegaanka Saaxil, isagoo markaa mabaadii Qabiileysan oo Deegaameen ah iyo boob cad oo qabiilaysan oo  hantidii Qaranka ee Magaalada Berbera lagu boobayo.

 

Madaxweyne Siilaanyo, Dagaalka uu maanta soo qaaday ee ah in uu Dekeda Berbera shirkad tuuga ah ku wareejiyo, ma aha dagaalkii ugu horeeyey, waxa ka horeeyay dagaalo fara badan oo ay ka mid yihiin, Warshadii Shibidhka ee uu warqada ugu soo qoray DAHABSHIIL, waxa ku xigay Warshadaii Kaluunka ee uu  u soo qoray Ina Xarbi, Waxa kale oo ka mid ahaa 5 isxanbaarka ahaa ee waraaqaha beenta lagu soo saaray doorashadii golaha deegaanka berbera, waxa kale oo ka mid ah xoghayaha dowlada hoose oo isaga qaab qaabiilaysan lagu keenay, 2 wiig ka hor waxaynu ogeyn in Warshadii laydhka ee Berbera uu warqad ugu soo qoray inamo yaryar oo beeshiisa ah, intaa aan xaga sare ku sheegay intuba waa Beesha uu ka dhashay ee H/Jeclo oo uu u soo wada qoray hantidii Qaranka ee Gobolka Saaxil siiba Magaalada Berbera ku taalay, Markaa Madaxweyne Siilaanyo ma waxaynu ku sheegi karnaa Madaxweyne Qaran, miyuusan ahayn Hogaamiye Kooxeedka Beesha Bariga Burco, marka aad eegto wuxu ku dhaqmayo. 

 

Dadka reer Saaxilow idinkaa isugu wacan waxan idinku dhacaya, sababtoo ah waxaad ku hanbabarteen Dekedda Berbera markii loo soo dhacay, intii horoodhan badhkiin busto qoyan baa saarnaa, badhkiina madbaqa Madaxtooyadda ayay Hanbada Siilaanyo iyo Xirsi ku cunayeen oo ay lahaayeen Aamina Warisay noo soo wad maantana odaygu wax ma hanbeeyay.

 

Hadaba hadaanu nahay Jaaliyada Degta Gobolka Saaxil waxaanu Shacbi weynaha reer  Saaxil ee Gudaha iyo Dibada ku nool u sheegaynaa in waqtigii samirku uu dhamaaday, Siilaanyana 4 Bilood baa u hadhay 4taa Bilood waa in aynu ka difaacanaa qaniimada deegaankeena inta la helayo  Dowlad Qaranka Somaliland  u dhex ah, 26 June 2015  wixii ka danbeeya  Shacabka reer  Saaxil waxay Madaxweyne Siilaanyo ugu yeedhi doonaan  Hogaamiye Kooxeedka Beesha Bariga Burco.

 

Waxa xaq inagu ah in aynu difaacano Gobolka Saaxil iyo jiritaanka Qaranimada Somaliland, Madaxweyne Siilaanyo Dalkii uu baabi iyay waa aragtaan Darafyadii Xabada ka dhacaysa iminkana wuxu doonayaa in uu Berbera ka bilaabo, sheekadana waxa ka danbeeya wadaadadii xagjirka ahaa ee Wasiir Xirsi Hogaaminayay, markaa waa in aynu gacana Qaranimada Somaliland ku Difaacanaa Gacana Gobolka Saaxil kaga difaacnaa Yeyda shaadhka Qabiil soo xidhatay ee doonaysa in ay shaadh dowladeed ku boobaan Gobolka Saaxil.

 

Ugu danbayntii bahweynta Gobolka Saaxil waxaanu ugu baaqaynaa in shir deg deg ah laysugu yimaadaan, gudaha iyo debadaba shirkaas oo looga tashanayo sidii aynu ku difaacan lahayn Gobolkeena Saaxil, looga hortagi lahaa, Maamulka Siilaanyo ee Shaadhka Qabiil u soo xidhay dadka reer Saaxil iyo deegaankooda.

 

Magacyada Xubnaha Jaaliyadda UK Ee Gobolka Saaxil:

 

 

  • Cismaan Diiriye
  • Faysal Abdiraxmaan Maxamuud 
  • Cabdirashiid Xasan Shire
  • Cabdiqaadir Maxamed Cabdilahi (Cukaashe)
  • Cali  Jaamac Diiriye
  • Cabdale Siciid Dalmash
  • Siciid Xasan Cali Heneri
  • Maxamed Dirays
  • Nimco Biixi
  • Milgo Qaraarshe
  • Shamis Cabdi Baaruud
  • Aniis Cabdi