BAAQ kusocda Madaxweyne Siilaanyo”Mudane Madaxweyne Beel Weynta Muuse Dhariyo Waxay Kaaga Bahan Yihiin Saamigii Ay Xaq U Lahaayeen Dalkan? ………….

IMG_1593

Marka hore waxaan halkan ka salamaya , warbaahinta madaxa banana ee hadh iyo habeenba naga haqabtirta wararka ugu doorka roon iyo dhacdooyinka caalamka ,Intaas kadib , waxaa manta igu kalifay inaan qalinka iyo buuga u qaato markii aan arkay beelaha ugu tunka weyn leh Somaliland oo ka cabanaya saami qaybsiga dalka, iyagoo beelweynta muuse dhariyana aanay wax habayaraatee saamiya aan ku lahayn dalka Saami qaybsiga beelaha ee xukuumadu hogaaminayso kuwaas oo ku cabanaya inaanay haysan saamigii ay xaqa u lahayeen iyadoo la ogyahay saamiga ay leeyihiin beesha samaroon ma ahayn loogamana fadhiyin in ay manta yidhaahdaan saamigii dalkaa naga maqan iyadoo la ogyahay saamiga ay dalka ku leeyhiin ,

Halka beelaha qaar haba yaratee wax saamiya aanay ku lahayn, beelahas waxaa kamid ah beel weynta muuse dhariyo oo la ogyahay manta haba yaratee inaanay wax saami qaybsi ah dalka ku lahay, Mudane Madaxweyne Waa Beesha sheekh muuse dhariyo waa beesha Qudha Reer Somaliland  Ee Aan Ku Lahayn Agaasime Waaxdeed, Gudoomiye Degmo, Gobol, Gudoomiye Maxkamadeed,  Xoghaye Dawleed, Gudoomiye Komishanada Madax Banaan, Maayir, Gaashaanle Sare, Xildhibaan Gole Deegaan, Xildhibaan Golaha Wakiilada, Gudoomiye Waaxdeed, Agaasime Guud , Wasiir Dawlde, Wasiir Kuxigeen,  Iyo Wasiir Midna Aan Ku Lahayd Somaliland, Markaa Miyaaan La Odhan Karayn Beesha Gabooye Muuse Dhariyo Waa Ay Ku Dulman Tahay Dalka Somaliland, Marka Aad Eegtida Dastuurka Iyo Xeerarka Dalka U Yaala Waxay Dhigyaan In Muwaadiinta Reer Somaliland Ay U Siman Yihiin Dalka, Iyada Oo Aan Loo Kala Saarayn Qabiil Iyo Isir Midnaba

Guntii iuo Gunaanadkii

Waxaan ku soo gunaandaya maqaalkaygan inuun hadii la doonaayo cadaalad iyo sinaan inay kuwada noolaadan reer Somaliland waa in miiska wada hadalka iyo talada dalka laga qayb galiyo bulsha weyntan muuse dhariyo ee dulman beeshaas oo ah dalkan beeshii loogu yimid oo beel walba oo reer Somaliland ah ka muddan ka qayb galka talada dalka,

Waxaan ku sooo gabagabaynaya qoraalkaygan Xukumada Madaxweyne Siilaanyo,  Waxaanu Ka Rabnaa Cadaalad Iyo Sinnaan , Waxaan Ka Sugaynaa Inay Ilaaliso Saami Qaybsiga Beelaha u dhashay Somaliland oo dhamaan Saami Qaybsiga Beelaha dalka ay  Beel Welibana Uga Dhexmuuqto Saamiga iyo talada dalka Somaliland

Ilaahay Xaqaa Ha Ina Garansiyo

Wabilaahi taqwfiiq

Mohamed Abdi Jama

mohamedudoode@hotmail.com

Hargeysa/SomalilandÂ