Bayaan:Maalin Ugu Darimayno Madaxweyne Siilaanyo: Aqoonyahanka Beesha Cumar Jibriil.

Baaq

Bayaan:Maalin Ugu Darimayno Madaxweyne Siilaanyo: Aqoonyahanka Beesha Cumar Jibriil.

Bayaan:Maalin Ugu Darimayno Madaxweyne Siilaanyo: Aqoonyahanka Beesha Cumar Jibriil.

 

Anagoo ah Aqoonyahanka, Waxgaradka iyo Dhalinyarada Beesha Cumar Jibriil H/jeco, Waxaanu halkan ku cadayneynaa inaanu ka soo horjeedno in Madaxweyne Axmed Siilaanyo Muddo Kordhin loo sameeyo marka ay ka dhamaato muddo xileedkiisu, taasoo aanu u aragno inay Dalka iyo Dadkaba ku keenayso fowdo siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid amniba kana hor imanayso shuruucda dalka ee nidaamka doorashooyinka.

Waxaanu sidoo kale halkan ku cadayneynaa in Xukuumada haatan jirtaa ku fashilantahay inay ka soo baxdo balanqaadyadii ay u samaysey G. Saraar, Saaxil bari iyo Togdheer. Horemarka ay sheegtaana uu yahay mid ku kooban degaanada qaar sidaas awgeedna aanay mudnayn in ay wakhti badan inaga sii qaadato.

Sidaas Awgeed hadaanu nahay Habarjecladii Asalka ahayd waxaanu dadka ku wacyi gelinaynaa inaanay mardanbe qabyaalad ku codayn sidii nagu dhacday oo kale ee ay danta Dalka, Diinta iyo Dadnimada ka horeysiiyaan qabyaalada si aanay u dhicin ta manta wadanka ka dhacday oo kale.

Waxaa wax laga xumaado ah in 4ta wasiir ee H/jeclo, Wasiiru Dawlaha Kaluumaysiga, Agaasimayaasha Biyaha, Caafimaadka, Tayada, Ladagaalanka Aidska, Mareeyaha Madbacada, M/k Dekededa Berbera, Shirkadaha Shidaalka, Safiirada, Xisbiga Kulmiye , iyo qaar kaloo badan intaas weliba waxaa weheliya Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida in Maanta Boqorkoodu yidhaahdo ha loo kordhiyo beeshayda.

Sidaas awgeed, Beesha Cumar Jibriil lama qabto Boqor Cismaan hadalkiisa mana jirto H/jeclo ka danbeysey Geedkii Gar-adag oo dadka lagu harowsan karaa, Gamaadii ay ku dhimatayna waa Xukuumada Siilaanyo, gunaanadkeediina waxaa ka hadhay 170 habeen haddii alle idmo, ee habarjeclow waxaad fashayba fashaye dadkaaga dhinac ka raac wakhtigaagiina waad qaadatay, Naftuna haday qulaanqulshaha soo gaadho toobadi uma furna xukunkiina wuu idinka dhamaaday ee ceebta ha la iska jiro Somaliland yey gacantiina ku burburin.

Afhayeenka Aqoonyahanka Beesha Cumar Jibriil.

Eng: Mustafe Haji Farah Warsame.