BISADDI iyo JIIRKII REER MAGAALKA AHAA iyo WIXII KU DHACAY .

maqaal

Abaartii dabadheer ee dalka ka dhacday , ayaa waxa magaalooyinkii soo galay Duurjoogtii yar-yarayd ee ku noolayd miyiga , iyaga oo daba socda Reer miyigii caydhoobay ee magaalooyinka soo galay .

Hadaba waxa magaaladii yimi WALADII (jiirkii miyiga ) (dooligii miyiga ) isaga oo abaartii xumayd u adkaysan waayay , wuxuu isyidhi xaggaa iyo magaalada u qadhaab tag , kadib isaga oo meel kuddaaf ah wax ka faadh-faadhanaaya , ayaa waxa xaggiisii u soo kacday Bisad (reer magaal ah ) oo ka mid ah kuwii magaalada ku noolaa , intay giir iska kicisay oo ay khaakhna tidhi , ayay Waladii istidhi u hanjab , iyada oo moodaysa inuu yahayJiirkii magaalada .
Inta ay Waladii bisadii xaggeedii u dhaqaaqday oo giir iska kicisay kii bisadda ka weyn , oo is-buufisay , ayaa Bisaddii  baqatay , kadibna bisadii way carartay , iyada oo yaaban oo leh , waar baladu maxay ahayd ?  wuxu muyaanu Jiir ahayn ? sowkii marka uu i arko cagaha wax ka deyi jiray , maxaa dhacay maanta ? muxuu kan aniga i cuni gaadhay ahaa ? .
Walooyinkii magaalooyinka soo galay Bisadihii way ka arkaadeen , waddona way ku rideen , Jiirkii Bisaasku eryen jireen ee cuni jereena hiil buu helay  , waanu kibray .
Hadaba magaalooyinkii waxa iyana soo galay Dinnad dibadeedkii (Bisaddii reer miyiga ahayd), waxaanay  gamta u joogsatay Waladii iyo Jiirkii reer magaalka ahaa-ba , weliba waxa gumaad ku dhacay Jiirkii magaalada joogay ee Waladu ka xoreysay Bisaaskii argagixisada ku hayay , Jiirkii reer magaalka ahaa waxa uu kala garan waayay Dinnad dibadeedii iyo  Bisaaskii magaalada  , sidaa awgeed  waxa ku dhacay in Dinnad dibadeedii gumaaday gebigiisii-ba . 
Hadaba kooxaha ismooday in ay -yihiin Walo ee Bisaaskii reer magaalka ahaa ka bajiyay , ha ogaadeen in Dinnad dibadeedkii ka daba-timi oo aanay jirin cid ka celin doonta , oo aanay jirin meel ay kaga badbaadi karayaan .
Bisaaskii reer magaalka ahaana , guryihii dadka ayay ku yaaceen oo galeen , waxaanay ag-fadhiisteen Dumarkii , ilaa iyo maantana Bisaaska magaalooyinka jooga dumarka kama ag-fogaadaan .
Hadaba layska daba yimiye , maxaa la yeeli doonaa ?
CALI MAXAMED BIIXIÂ