Cali Xoor xoor iyo wasiir Xirsi oo xilalkay hayeen ka yaacaya ka dib markay malaayiin ku lunsadeen by Abdi Mustafe

MAQAAL
Waxa isa soo taraya in Cali Xoor-xoor weydiistay madaxweynaha inuu ka aqbalo is casilaad isaga oo doonaya in uu la goosto malaayiin uu dekeda ka lunsaday. Cali Xoor Xoor wuxuu Dubai ka iibsaday aqal qiimihiisu yahay 1.5 million US dollars. Wuxuu ku andacooday in uu xaalad caafimaad shaqada uuga tegayo oo uu Dubai degi doono. Halkaa oo sida warka rasmiga sheegay meesha uu doonayo in uu baayac mushtar weyn ka sameeyo. Lama sheegin in Silaanyo ka aqbali doono is casilaadaa iyo in kale. Waxa kale oo isna xilkii wadooyinka ee uu hayay dalbaday in uu iska wareejiyo Wasiirka madaxtooyada Xirsi Haji Cali ka dib markii uu lacag haakah yidhi. Wuxuu doonayaa kol hadii dowladi sii dhacayso in uu magac xumida cid kale ku wareejiyo. Xirsi wuxuu jeebadaha ka buuxsaday wixii lacag cir iyo dhulba laga soo ururiyey iyo wixii mucaawino loogu deeqay wadooyinka siiba wadada Ceerigaabo, markaa maxaa iminka keenay in uu yidhaa waan iska casilay xilkii wadooyinkii ee riwaayada ahaa ee ay ka mid ahayd Wadada Ceerigaabo ee uu si fiican uugu fashilmay. Hadaba Wasiirka Madaxtooyada iyo Cali Xoor Xoor ha loogu dhaarto in aan sidaa ceebi kaga maydhamayn waxay ummada ka lunsadeen na aanay ka soo xaji karin. Had iyo jeer sida caadadu tahay ruuxa badiya i arkaay wuxuu ku danbeeyaa i qariyaay. Maanta Cali Xoor Xoor iyo Xirsi oo ah labada tuug ee uugu tunka waaweyn waxay u taaganyiin i qariyaaaaay.
abdi_mustafe123@yahoo.ca