Ciidamada Ahlu Sunna oo la wareegay gacan ku haynta Magaalada Guriceel

imageWararka aan ka helayno Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in ciidamada Ururka Ahlu Sunna ee saaka weerarka ku soo qaaday Magaalada Guriceel ay qabsadeen gacan ku haynta Magaaladaasi.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa gudaha u galay Magaalada oo hada lasoo sheegayaa inay dhex-roondeenayaan Magaalada, kadib markii ciidamada Dowladda ay xoog uga saareen Magaaladaasi.

Ciidanka Dowladda ee dagaalka saaka kala hor yimid kuwa Ahlu Sunna ayaa aad u yaraa, marka loo eego ciidankii tirada badnaa ee Dowladda kaga sugnaa Guriceel, waxa ay badankooda shalayto aadeen Degmada Dhuusa Mareeb, halkaasi oo ay kaga qayb qaadanayaan sugidda ammaanka, maadama Madaxweynaha uu halkaasi tagayo.

Qaar ka mid ah shacabka Magaalada Guriceel, ayaa xaqiijiyay in ciidamada Ahlu Sunna ay dhex-mushaaxayaan Magaalada gudaheeda, islamarkaana ay ku sugan yihiin Saldhiga Magaalada iyo goobo kale oo magaalada ka mid ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in khasaaro uu ka dhashay dagaalkii saaka kuwaasi oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, waxaana ilaa hada la xaqiijiyay geerida afar ka mid ah dhinacyadii Magaalada ku dagaalamay.

Xaalada Magaalada ayaa hada degan, ciidanka Dowladda ayaa ku sugan duleedka Magaalada Guriceel, oo waxaa suuragal ah inuu gurmad kaga yimaado dhanka Magaalada Dhuusa Mareeb, kadibna weerar ay ku soo qaadaan Magaalada Guriceel.

Shacabkii Magaalada deganaa ayaa ka cararay Magaalada oo waxa ay joogaan duleedyada Magaalada, waxaa Magaalada jooga dad kooban oo goobaha ganacsiga ee xiran dusha ka ilaashanaayo.

Ciidanka Ahlu Sunna ee Magaalada la wareegay ayaa la sheegayaa inay yihiin ciidan aad u badan oo hubeysan.

Salaanmedia/Mogdisho