Daawo MUQAAL.Waftigii Somaliland Uga Qaybgalayey Waddahadala Turkiga Oo Maanta Dalka Ka Dhoofay

Feb 27, 2015 Hargeysa (SM) – Waftigii Somaliland uga qaybgalayey Shirka Wadda hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa Maanta ka Dhoofay Magaalada Hargeysa.

Waftigan oo uu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa waxa ku Wahelinayey Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedole, Wasiirka Duulista iyo Hawda Maxamud Xaashi, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdi aw Daahir, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Guurtida Siciid jaamac Cali, Xildhibaan Kijaandhe iyo Xildhibaan ka socday Golaha Guurtida.
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Maxmaed Biixi Yoonis oo Warbaahinta la hadlaya intii aanay madaarka ka Dhoofin ayaa Sheegay in Waftigoodani ay dalka Turkiga u tagayaan sii Amboqaadka Waddahadaladii u socday Somaliland iyo Somaliyaoo Maalinta Axada ka Furmaya waddanka Turkiga Magaalada Istanbul.
http://youtu.be/IewnubNr1Kg