Daawo Sawirada” Lamaane muslimiina oo si kam ah loogu dhex toogtay xili ay ku dhex caweynayeen aqalkooda

imageDaawo Sawirada” Lamaane muslimiina oo si kam ah loogu dhex toogtay xili ay ku dhex caweynayeen aqalkooda

 
Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa shaacisay in ruux hubeysan uu toogasho u geystay qoys deganaa magaalada Chapel Hill gobolka North Carolina ee dalka Maraykanka.

Ruuxaani toogashada geystay oo magaciisa lagu sheegay Craig Stephen Hicks , ayaa dilkaasi geystay xili ay qoyskaasi ku sugnaayen Aqalkooda.

Saraakiisha Booliska North Carolina ayaa sheegay in toogashadan xalay xilligii dambe ay ka dhacday dhisme ay qoyskan muslimiinta ah kaga noolaayeen xarun waxbarasho. Iyadoo maydadka saddexdan qof ay kasoo saareen dhismihii lagu toogtay.

imageToogashada Qoyskaani Muslimiinta ahaa ayaa dalkaasi ka abuuray Xiisado diimeed, waxaana baraha bulshadu ku xidhiidho ee Twitter iyo facebook ay dadku soo dhigayaan dhalinyaradan oo waxbaranaya sawiradooda iyo iyaga oo faraxsan, dilkoodana waxay ku tilmaameen mid u dhigma sidii in dil lagu xukumey tacdiibin.

imageDhanka kale, Qaar ka mid ah dadka wax ka deggen dhismaha ay toogashadu ka dhacday ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin falka dhismahooda ka dhacay, balse waxay sheegeen inaysan la socon toogashada dhacday illaa booliisku ay ka soo saareen maydadka qaybtii ay dhismaha ka deggenaayeen.

 

Salaanmedia/Mogdisho