Daawo Sawiro…Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Qado sharaf soo dhoweyn ah u ku maamuusay Xildhibaan Weli Axmed Xaawo.

Maanta xisbiga waddani wuxuu qado sharaf uu ku soo dhoweynaayo ku maamuusay Xildhibaan Weli Axmed Xaawo oo ah xubin ku cusub golaha wakiilada, loona dhaariyey xildhibaannimada kadib is-casilaaddii xildhibaan Khadar Ambassador

1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Madasha oo ahayd mid ay isugu yimaadeen xisbiga WADDANI saraakiishiisa kala duwan iyo qaar ka mida bulshada kale ayaa waxa hadalka soo dhoweynta furey Xildhibaan: Ibraahim Mahdi Buubaa, isagoo sheegay in Xisbigu soo dhoweynayo mudanaha, waxa iyaguna goobta ka hadlay xubno isugu jira xubno xildhibaano kale oo uu ka mid ahaa Siciid Cilmi Rooble oo sheegey muhiimadda xildhibaankan cusubi u leeyahay xisbiga waddani, daacadnimadiisa iyo hawlkarnimadiisa iyo inay Xisbi ahaan u baahan yihiin waxa iyaguna goobta ka hadlay xubno ay ka mid yihiin Xildhibaano, Salaadiin, iyo xubno ka tirsan saraakiisha xisbiga Waddani.

2

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Gebo-gebadiina waxa hadalka soo xidhay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo sheegey in uu isagoo ku hadlaya afka xisbiga Waddani, soo dhoweynayo xildhibaanka xisbi ahaanna ay wada shaqeyn doonaan, una wada adeegi doonaan bulshada, iyagoo gudan doona hawlihii bulshadu u dooratey, isla markaana bulshada kala shaqeyn doona baahiyohooda, dalkana ay gaadhsiin doonaan waqti doorasho.

Salaanmedia/Hargaysa
3 4 5 6 7