Daawo Sawiro…Kulan jaaliyadda reer Somaliland ee London iyo ka qayb qaadashadda Doorashooyinka Dalka Ingiriiska ka dhici doona.

IMG_9564

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Shir ka dhacay Hotel ku yaala bariga London oo ay kasoo qayb galeen aqoonyahano, Dhalanyaro ,Safiirka Somaliland ee UK Cali Aadan Cawaale iyo wax garadba shirkaas oo ku  kusaabsanaa wacyi galint lagu wacyi galinayo bulshada Reer Soomaaliland ee dagan wadan ka UK si ay uga qayb galaan doorashada inagu soo foole ee kadhici doonta dalka Ingiriiska bisha shanaad ee sanadkan (May) si ay inoogu fududaato inaynu ku boorino Barlamaanka soo bixi doona inaynu qadayada Soomaliland wax inagala qabtaan waxaa laysla gartay inay tahay fursad wakhtigeedi jooga oo u baahan in laga faa’iidaysto

 IMG_9633

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa kale oo laga wada hadlay sidii culays loosaari lahaa xubnaha soo bixi doona una yeelan lahayn cilaaqaad wanaagsan  oo bulshada reer Somaliland iyo dalkaba wax u tar.Waxa ka hadlay kulanka dad farabadan oo ka koobnaa bulshada noocyadeeda kala duwan.Qaar ka mid ah xisbiyadda Qaranka Somaliland .

IMG_9679

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa lagu balamay in lasii dar-dar galiyo lana wacyi galiyo dhamaan bulshada reer Somaliland ee dalkan degan.Waxa kulanka ka hadlay oo kale Wakiilka Somaliland ee UK  Cali Aadan Caawale .Aqoonyahan Cali Saleebaan .Mujaahid Maxamed Yuusuf,Aqoonyahan Maxaded Adan Jamac, (Galaal) Yurub Qaalib Tahar,Cawaale Birin-bir, Axmed Baalaweyne oo ka socday Xisbiga Waddani.

 Waxa kulanku soo dhamaaday is af garad iyo dar-dar galinta shacabka reer Somaliland ee ku nool kalan Ingiriiska.

 Salaanmedia/London

IMG_9561 IMG_9567 IMG_9571 IMG_9579 IMG_9586 IMG_9589 IMG_9593 IMG_9639 IMG_9645 IMG_9653 IMG_9672 IMG_9674 IMG_9685 IMG_9687 IMG_9702 IMG_9706 IMG_9707iro…