Daawo Sawiro…Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta ka qaybgalay xaflad lagu qabtay Maansoor Hotel loona asteeyey 10/02/2015,maalinta Mihnadlayaasha Caafimaadka.

Feb 10, 2014 Hargeysa (SM) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay xaflad lagu qabtay Maansoor Hotel loona asteeyey 10/02/2015,maalinta Mihnadlayaasha Caafimaadka.123

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay xaflad lagu qabtay Maansoor Hotel loona asteeyey 10/02/2015,maalinta Mihnadlayaasha Caafimaadka.

 

 

 

 

 
4
Gudidan oo uu madaxweynuhu aas-aasay ka dib markii baahi weyni ka muuqatay caafimaadka dalka, lagama maarmaana ay noqotay in laga gaashaanto, lagana hortago xaalada guud ee caafimaadka dadka iyo xoolahaba si loo badbaadiyo shacbiga iyo xoolaha ay dishootay baahida caafimaad ee cid walba oo ku maxaafsata xirfada caafimaadku ay uga faaiidaystaan, dhibta iyo daranyada caafimaad ee ay la ciir-ciirayaan, inta aan awoodin inay la kulmaan xarumo tayeysan oo aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba ka dhisan.

2Q

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
2
Sidaa awgeed waxa maanta xafladan soo qabanqaabisay gudida mihnadlayaasha caafimaadka ee uu dhawaan madaxweynuhu magacaabay iyaga oo kaashanaya wasaarada caafimaadka Somaliland iyo hay’adaha ay khusayso shaqadani, oo uu kala soo qaybgalay madaxweynaha qaranka Somaliland mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo markii ay bilaabantay xafladu, ay warbiximo ka siiyeen gudoomiyaha Gudida mihnadlayaasha Dr, Axmed Xaashi Oday, Wasiirka Caafimaadka Mudane Saleebaan Ciise Axmed Xagla-toosiye iyo xubno kale oo ku hadlaayey afka dhakhaatiirta Somaliland.

unnamed

Waxaana madaxweynaha hadalka ku soo dhaweeyey Wasiirka Caafimaadka Mudane Xagla-toosiye, Madaxweynuhuna waxa uu halkaasi ka balanqaaday inuu ka xukuumad ahaan diyaar u yahay wax kasta oo shacbiga Somaliland u suuragelinaaya inay helaan caafimaad dhamaystiran iyo inuu tixgelin gaara siinayo, baahiyaha iyo codsiyada ay u soo gudbiyaan gudidu.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
3
Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu shahaadooyin gudoonsiiyey 642 xubnood oo isugu jira Dhakhaatiir iyo kal-kaaliyeyaasha caafimaadka, oo loo aqoonsaday inay buuxiyeen shuruudihii xirfadooda shaqo.

132