Daawo ujeedada Ka danbeysay xadhigii Cawaale oo la Soo bandhigay… “Gabadh walba oo reer khaatumo ahi waa inay tidhaa nin qaad cunaya ma geyo” Abokor Cawale –

Abukar Cawaale Qaad diid oo shalay lagu xidhay Hargeysa ayaa ka qaybgalay xaflad ay Kooxda khatumo ku qabsatay Dubai, waxanu ku bogaadiyey Aasaaska kooxdaasi khaatumo, iyadoo uu somaliland na yimi isagoo aan ogolaansho ka haysan somaliland maadaama uu taageeraya koox ka soo horjeeda Qaranimada Somaliland
Koox u ololeysa kooxda la baxday Khaatumo ayaa habeen hore Magaalada Dubai ku qabtey xaflad ay ku sheegeen afar sano guurada ka soo wareegtay aasaaska kooxdaasi. Xafladdaasi waxa ka qayb-galay Abuukar Cawaale (Qaad diid), kaasi oo shalay lagu xidhay Hargeysa.

Waxaana la filayaa in sababta Somaliland u xidhay inay tahay taageerada kooxdaasi khaatumo oo munasibadaas kaga hanjabtay inay sannadka soo socda xafladano kale ku qabsan doonaan laascaanood.

Salaanmedia/BurcoÂ