Dawo Sawiro…Mujaahid Maxamuud Salaxan oo caawa ka dhoofay London kuna sii jeeda Somaliland,madax sare -sare oo xisbiga Kulmiye ka tirsan.

Waxaa caawa ka ambabaxay Heathrow Airport ee magaalada London ee dalka Ingiriiska Muj. Maxamuud Maxamed Baalcade (Salaxan)oo ah Afhayeenka Laanta Shefield ee Xisbiga Kulmiye oo u socdaalay dalka Somaliland isaga oo talooyin iyo fariimba ka wada Xisbiga Kulmiye UK.
Waxaa Afhayeenka safarkiisa ku weheliyey xubno kale oo xisbiga Kulmiye ka tirsan.
Waxaa Afhayeenka iyo xubanaha kaleba halkaa ku sii sagootiyey Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye UK ,
Xariir Xirsi Adar Guddoomiye ku xigeenka Laanta Sheffield Ahmed Saciid Qadaafi, xubno iyo asxaab kale iyaga oo duco iyo waxqabad sii faray.Sii sagoontina Maxamuud  Maxamed Baalcade(Salaxan ) qaar ka mid ah shacabka reer Somaliland dhalinyaro kale oo ka tirsan xisbiga Waddani oo ay Maxamed Salaxan wada ahaan jireen ururkii SNM.

Maxamuud Salaxan waxa uu degan yahay magaaladda Shafiled  ee Cariga Ingiriiska waxa uuna ka mid ahaa mujaahidiintii SNM waxaana lagu xasuustaa Salaxan inuu yahay isagoo dhalinayraa ninkii ugu horeeyey ee Gaadhi la talaaba ee uga talaabay xoogagii Snm isaga oo kala baxay magaaladda Burco.

Salaanmedia.London

2 22 unnamed unnamed1

 

FullSizeRender-5