DEG DEG: Dagaal dib uga qarxay Magaalada Guriceel

newsSida ay sheegayaan wararka inaga soo gaadhaya Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, waxaa Magaaladaasi saaka dib uga qarxay dagaal udhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca ee maalin ka hor qabsaday Magaaladaasi.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weerar culus ku soo qaadeen Magaalada Guriceel, oo markii hore ay ka joogeen duleedka Magaalada.

Ciidamada Ahlu Sunna oo Magaalada ku sugan ayaa iska caabinaya ciidamada dowladda ee duulaanka ku soo qaaday Magaalada Guriceel.

Dhawaqa rasaas xoogan oo aad udhaceysa ayaa laga maqlayaa Magaalada Guriceel oo labada dhinac ay isweydaarsanayaan, inkastoo aan la ogaan karin khasaaraha dagaalka.

Magaalada dadkii deganaa, badankooda waxa ay ka barakaceen shalay galab, markii ay arkeen saan-saan colaadeed oo Magaalada ka taagan iyo suurtagalnimada weerar ay soo qaadaan ciidamada dowladda.

Xalay oo dhan Magaalada gudaheeda iyo banaankeeda waxaa laga maqlaayay rasaas kor loo ridaayay oo u ekeyd qoryo labada dhinac ay baraaweysanayeen.

Xaalada Guriceel ayaa kacsan, waxaana rasaasta ay ka dhaceysa Magaalada gudaheeda oo ay difaacanayaan ciidamada Ahlu Sunna.

Salaanmedia/Mogdisho