DHARAARIHII KULULAA EE KULMIYE: DIB U EEG NOOCII KULMIYE AHAA XILIGAN

Sida aynu ku soo qaadanay shan qodob oo xusbigii Kulmiye ee noocisu ahaa kii jiray sanadkii 2010kii ka hor ka duulay iyo habkii uu u ahaa mid u hamuunqabay hanashada dalka hogaankiisa oo aynu tooshka ku sii shidnay hab-dhaqankiisii ahaa mid bulshada ula muuqday mid isbadal siyaasi ah oo dhab ah u waday. Shantaa qodob waxay iftiiminayeen sidii uu xusbigii Kulmiye ee xiligaasi werwer uga qabay ilaa heer ah amaanka madaxdiisa oo ay qaarbadan oo ka mid ahi aamisanaayeen in xukumadii Daahir Riyaale mu’aamarad u samaynayso ay ku khaarajinayso, maadaama ay sidoo kale aamisanaayeen in ay ka soo kala jeedaan hogaankii xukumadii UDUB iyo ka Kulmiye dhinacyo oo hore lid iskugu ahaa, kuwaas oo kala ah ururkii hubaysnaa ee SNM iyo xukumadii uu kula dagaal galay mabaadii ama aragtiyo siyaasadeed oo shacbiga Somaliland xiligaa ka dhiidhiyeen ee xukumadii taliskii milatraiga ahayd ee Jeneral Maxamed Siyaad Barre.

Markase aynu sii ambo qaadno xusbigi Kulmiye ee mucaaridka ahaan jiray, labadii bilood ee ugu horeeyey ee sanadkii 2009kii, oo ah bilihii ugu xiisaha badnaa waxyaabihii xusbiga Kulmye isku weydaarsanayey khadadka telefoonada iyo barta kulmisa intii is ticmaali jirtay email-ka ee si toos ah ugu xidhnaa kulmiye@yahoogroup.com waxa marka aad dib u eegto qoraaladii Kulmiye dheehan kartaa in waxyaabihii ay walaaca ka qabeen ee markaa tuhun iyo dareeno feejigan ka qabeen oo ay ka mid ahaayeen dib u dhac ku yimaad mudada in la qabto doorasho ay ahayd oo xiligaa la filayey 29kii bishii saddexaad ee sanadkii 2009kii, in xumukadii Daahir Riyaale adeegsato jeebka qaranka oo ay ku kasbato mudo-kordhin xisbgii Kulmiye dhago uu ku maqlo lahayn iyo walaaac weyn oo ahaa in Daahir Riyaale la tartamo iyagoo aan u sinayn adeegyada qaranka, sida warbaahinta ah in ay u dhaxayso qaranka oo mucaarid iyo muxaafid si siman u wadaagaan.

Dhamaan arimahaasi waxa ay ahaayeen kuwo jiray oo walaacoda lahaa, isla markaana ay xukumadii UDUB sutida ugu qabatay xusbigii Kulmiye ee loolanka adag ku jiray. Markase sidoo kale imika la eego arimahaas wax iska badalay ma jiraan iyadoo waliba Kulmiye waayo-araga uu u yahay waxa ay taban karaana xusbiyada dhigooda ah ee mucaaridka ah, haddana waxa muuqata in balankii ahaa in haddii Kulmiye talada dalka qabto wax ka badalayo hab-dhaqankii noocaas ahaa ee ay sida weyn u dareemeen dhibtii uu lahaa ee ay u arkayeen in uu lid ku yahay hanaanka dumuquraadiga ah ee Somaliland. Tani waxa ay marag u tahay xusbigii Kulmiye ee aynu arki jirnay xiligii uu mucaaridka ahaa iyo kan maanta halkii UDUB ku jiraa in waxa is badalay marka nidaamka sharciga dal dumuquraadi ah aad eegto ay tahay halkii UDUB oo Kulmiye lagu badalay, hab-dhaqankiise yahay kii uu Kulmiye ina yidhi waxbuu ka badalayaa. Waxabase dheer dulqaadka oo aanay la wadaagin UDUB markay noqoto saxaafada iyo amaanta badana oo aad moodo in xukumada Kulmiye ku doogsado, dhaliishana aan la maqashiin karin.

Kulmiye oo sidii aan qormooyinkii hore ku sheegay u abaabulnaa qaabkii SNM oo aan lahayn garab hubaysan, shido- galinta ugu weynayd ee shacbkii isbadal-doonka ahaa oo ay u tusayeen hogaankii Kulmiye in ay dalka badbaadinayaan, waxa uu bishii kowaad ee sanadkii 2009kii uu u muquurtay xaalad heegan iyo u hayaan ah sidii uu ugu durki lahaa hanashada hogaanka dalka isagoo ka rajo qabay in doorasho dhacdo dhamaadkii bishii saddexaad ee isla sanadkaa, waxaana Kulmiye u dilaacay shirar iyo xaflado kala duwan oo qaar madaxdoodii olole weyn dhanka qurbaha ka galeen iyo xubno ku soo biiray oo ay u qabteen xaflado ujeedadoodu ahayd in ay muujiyaan in xusbi-xaakimkii UDUB laga dareeray, Kulmiye-na u hilaacaay halkii dadku rabay, taas oo maanta su’aalo ka taagan tihiin heerkii wadajirka bulshadii hortood UDUB hoos imanaysay iyo ta maanta Kulmiye.

Sidoo kale 26kii bishii labaad ee 2009kii waxa ay ka mid ahayd maalmihii email-da ugu badan la isku weydaarsaday barta kor ku xusan ee Kulmiye iyo telefoonadii ugu badnaa ee loo diro gudoomiye Siiraanyo, waxaana muuqtay sida xusbigu ugu kala baxayey laba kooxood oo kooxi tahay in kursiga dalka ugu sareeya si kasta lagu gaadho, iyadoo haddana shacabka la soo jiidanayo si taasi u suurto gasho oo ay codkooda u helaan, halka kuwa kalena ahaayeen kuwo u badan qurbejoog si dhab ah u aamisan in Somaliland ay wax kabadalaan dhamaan arimihii u muuqday ee ay ku dhaliili jireen xukumadii UDUB ee uu hogaaminayey Daahir Riyaale, meeshana ka saaraan nidaamki shabahayey kii SNM ka dagaal gashay, waa sidii ay u arkayeene.
Hase ahaatee waxa qodobada ay badi xiisaynayeen ku wajahnaayeen helista iyo ka faa’idaysiga fursadadaha ay ku fashilin karaan xukumadii UDUB iyo iyagoo is tusayey in ay u hilaacayso fursad hogaamineed, walow aanay waxb qorshe ahaan badal ahi sidaa Kulmiye dhexdiisa ugu xooganayn , marka aad eegto maanta oo aanad kala sooco karin UDUB tii ay dhaliilayeen iyo Kulmiye marka aad eegto dhanka hab-dhaqanka ee dawladeed ee xoojinta nidaamka dumuqraadiga ah iyo ku dhaqanka sharciyada dalka,iyo sidoo kale u furfurnaanta shacbiga oo la xisaabtama xukumadooda heerkasta.

“Waxa kaloo yana jirta jaaniskaad haysato lama-siidayo maanta Riyaale Ilaahaybaa kashifaya ee aynu kafaa’iidaysano maanta oo yan malin loogu darin si aanu ugu tartamin lacagta iyo hantida shacabka iyo wadanka taas baa guul inoogu dhow….” Sidaa waxa 25kii bishii labaad ee 2009ki ku tiraabay qoraal uu kula qaybsaday barta email-ka ee xubnihii Kulmiye iyo gudidoodii isku weydaarsan jireen qoraalada maanta sida sahlan kuu muujinaya Kulmiyihii mucaaridka ahaa iyo kan muxaafdka ah xubin Kulmiye u qaabilsanaa magac dilka xukumadii Riyaale oo isagu isku diray hawshaa iyo u qaybinta saxaafada qoraalada ay qoraan xubnaha Kulmiye ee dhaawacaya sumcada xukumadii UDUB. Xubintan oo aad u qaadaa dhigi jirtay ficiladii liitay ee xukumadii UDUB oo qaar badani ilaa maanta waxba aanay xukumada Kulmiye ka badalin, dibna u soo hadal qaadin xumaantooda ilaa iyo intii la doortay, ayaa xubintan oo dalka UK ku sugnaa xiliga uu qoraalo joogta ah dhan walaba u kala dirijiray, waxa uu ka mid noqday xubnaha loogu abaal guday darajo aan cayinayn, balse loo abuuray shaqo dalka gudihiisa, lagana soo raray UK si uu halkaa uga wado hawshii, inkastoo doorkan ka adag tahay hawsha loo igmaday xiligii xukumadii Daahir Riyaale ee ay mucaaridka ku ahaayeen, waayo maanta Kulmiye waxa uu dhex fadhiyaa xeradii uu UDUB ka kiciyey oo uu wax yar xaadhxaadhay oo dhaliishii iyo weerar caabigii mucaarid halkiisii yahay, inkastoo noocii mucaaridnimo ee Kulmiye mid la mid ah aan jiran hada, sida la isla qirayo.

Inkastoo ay badan yihiin dadka ka faa’iidaystay hanashadii Kulmiye ee hogaanka dalka oo aany ku kobnayn xubintaas, haddana marka dib loo eego dhacdooyinkii Kulmiye ee labadii bilood ee ugu horeeyey sanadkii 2009kii, musharaxii jagada madaxwyen-xigeenka ee Kulmiye, Cabdiraxman Salylici ayaa isna booqasho ku joogay dalka UK, halkaas oo booqashadiisu ku wajahnayd in uu qurbejooga reer Awdal dardargaliyo maadaama ay badi taageersanaayeen xukumadii UDUB maadaama dadka gobolka Awdal oo in badan oo qurbejoog ahi sas -ka-qabeen Kulmiye oo ay la amakaagsanaayeen weeraradii qaawanaa ee aan wax-ba loo xeerin madaxweynihii Somaliland ee gobolkooda ka soo jeeday ee Daahir Riyaale, ayaa isla socdaalkaa Saylici ee UK ahaa mid Kulmiye laga guntay balan qaadyo uu bixiyey C/raxman Saylici kuwaas oo mudo ku dhawaad shan sano kadib balankii macaga Kulmiye lagu qaaday ee taageero doonka ahaa in uu buray ay soo saartay arinta maanta ka taagan Awdal.

Waa musharax C. Saylici oo UK ka soo laabtay 2009kii
Waa musharax C. Saylici oo UK ka soo laabtay 2009kii
Kulmiye waxa uu ka hortagay inta karankii in dorashadii mudaysnayd 29kii March 2009kii dib u dhicin, waxaanu adeegsaday tabo kastoo u suurto galin karta in cadaadis ku saaro gudidii doorashooyinka iyo xukumadii UDUB.
Si himiladiisu u hirgasho Kulmiye waxa uu isla bishii labaad ee 2009kii abaabulay in xubiniisii golaha wakiilada Somaliland oo ay weheliyaan kuwii UCID oo ay xulufo dhan ka soo wada jeeda ahaayeen, kuwaas oo keenay mooshin golaha loogu yeedhayo gudidii doorashooyinka, taas oo uu xisbigu uga dan lahaa cadaadin in aanay doorashadu dib u dhicin si kastoo farsamo ahaan aanay wax u diyaar ahaynba. 22kii bishii labaad ee 2009kii xildhibaanadii Kulmiye waxa ay meel mariyeen mooshinkii ugu horeeyey ee noociisa ah ee golaha looga yeedho gudi doorasho oo Somaliland ah si loogu ilaaliyo in ay dhawraan heshiiskii mudo cayimida ee doorashada, xiligaas oo ay mudo laba tododobaad ahi ka hadhsanayd in doorasho dhacdo qorshe ahaan.

Hase ahaatee xaaladihii jiray Kulmiye ma u suurtogalin in wixii uu rabay ee doorasho dhacada 29kii Maarj 2009kii ay sideedii u dhacdo, tanina wax ay sii shiday ficiladii mucaaridnimo ee Kulmiye ku wajahay xukumadii Daahir Riyaale oo ay u arkayeen koox dalka boobaysa oo ay ka badbaadinayaan, inkastoo haddana waxkastoo ay ku dhaliili jireen ay badi imika sidoodii iska yihiin, isla markaana xaaladii doorasha-doon ee ay ku jiri jireen mid la mid ah maanta iyagii lagula wajahayo imika oo ay u hadhay in kayar lix bilood mudadii loo doortay hogaanka dalka oo ay ahayd in ugu yaraana sanad ka hor dalka u diyaariyaan doorasho oo aanay ahayn in ay maanta ku soo dhacaan wixii ay hore inoogu sheegeen in ay meesha ka saarayaan oo ah hab-maamulkii UDUB ee sharciga dalka ilaalin waayey iyo ujoojin la’aantii mucaaridkii sharicga ahaa ee dastuurku dhigayey ee ay ahaayeen.

La soco qoraalkan oo taxane ah iyo qoraalo taariikh-raac ah oo muujinaya Kulmiyihii xiligii uu mucaaridka ahaa wixii uu u taagnaa iyo ka maanta dalka ka taliya sida ay kala yihiin.

Cabdillahi Maxamed Cali waa saxafi mudo dheer ku soo jiray saxaafada, si weyna ula socda siayaasada xusbiyada Somaliland. Cabdilaahi kama aha xubin urur iyo xusbi midna.

Kala xidhiidh C/laahi emailka editor@cabays.com