Diiwaan gelintii madaniga ahayd oo lacag loo waayay oo gobalada oo dhan laga joojinayo iyo waxa sababay by Abdi Mustafe

MAQAAL
Waa kaa caqliga rasmiga ah ee dowlada xukunka heysaa. Wasiirka maaliyada Samaale iyo wasiirka arimaha gudaha Warancade ayaa markay u cadaatay in aan xukuumadani soo noqonayan ayay ka badheedheen in aan qarash danbe kaga bixin diiwaan gelinta madinaga ah bal se ay iyagu meeleystaan baaqiga hadhay oo ay jaxaastaan. Arin kaasi waa hubaal oo waa u jeedaan in gobalka saaxil laga joojiyey diiwaan gelintii madaniga ahayd, gobolada kalena wey ku xigaan. Halkaa ayay xukuumadu diiwaan gelintii ay u samaysatay in doorashada lagu khal-khaliyo ay ku fashilantay. Sababta maalmahan loo arki doono arimo aad loola yaabaa waxay ku salaysantay dowlada oo ku qanacsan in dhawaan talada dalka lagla wareegayo dabeedna sidaa darteed baynnu arki iyadoo wax kale daayoo xashiishka dalka yaala dibada loo iib geynaayo. Qof wal oo dowlada ka tirsani wuxuu jaxaastay wixii uu gacanta ku hayay. Silaanyo dib u tartamayaana ma jiro, Xisbigii Kulmiyana wuxuu ku danbeyn cidi garan meyso,  mid se waa la hubaa in ciidan badani is bdeli doono dhawaan oo rag caadaa u baxay hoos u soo noqon. Isku soo xoori oo xukuumadii habqan baa ka jira iyo is dhex yaac iyo aabahay goblan ee goormuu waqtigi dhamaaday.
 
Abdi Mustafe

 

Shirkadaha ku tartamaya dekeda Berbera meel walba emailo ha looga diro oo ha loo sheego in aan heshiiska ay dowladan la galaan aanay waxba ka jiri doonin marka dowladani dhawaan meesha ka baxdo:africa.commercial@bollore.com Yes, I am starting to write to Bollore today but every one should do so. Emailkan qof walowba uugu sheeg shirkada Franciska ah ee Dekeda Berbera doonaysa in aan heshiiska ay dowladan sii dhacaysa la galaan waxba ka jiri doonin oo wixii kira ah ee ay u qadimaana aan loo soo celin doonin.africa.commercial@bollore.com Shirkada kale ee carbeed na ha la soo helo email address kooda. Shicibku hadaannu sidan yeelin, xukuumadu lacag badan oo kira ah intay qadimato ayay marka waqtigoodu dhawaan dhamaadana la goosan doonaan. Dekeda Berbera in 50 sanadood ajanebi laga kireeyo oo kirada badan keeda xukuumadan gabal keed dumay loo sii qadimaa waa ayaan darada iyo guuldarada uugu weyn ee Silaanyo iyo qoys kiisa iyo inta ku xeerani ay ku talaabsadaan. Hore ayaa loo yidhi Berberi wax go’ lagu qaado ka weyn, ma maanta 2015 ayaa goobtii uugu weyneyd dhaqaale Somaliland soo galo Dumar iyo caruuri go’ ku qaadanayaan. Dhawaan waxa laga cabsi qabaa in xukuumadani kala yaacdo oo aanay doorashaba qaban iyagoo la baxsanaya hantidii ay lunsadeen kana cabsi qaba in qaar badan maxkamad la soo joojiyo oo ay xadhig muteystaan. Hadaba Dekeda ha la ilaaiyo oo yaanay ku darsan dhaqalihii ay horeba uuga dhaceen dalka. Bulshooy hadaad is hor taagi weydo xumaanta xukuumada hadhow ha soo caban. Meel walba waxaad ku arkeysaa dad warbaahinta taagan oo cabanaya. Sidaa waxba ku heli meysaan. Action is required.
 
Abdi Mustafe