Hogaanka Xisbiga WADDANI Ee Gobolka Maroodi-jeex Oo Kulan Dar-dargelin Ah La Yeeshay Laba Degmo Oo Ka Mid Ah Caasimada Hargeysa

Hargeysa:(SM)-Hogaanka xisbiga WADDANI ee Gobolka Maroodijeex oo maanta xarunta G/ka Maroodi-jeexe ee xisbiga WADDANIA ,kulan si heer sare ah loo soo agaasima kula yeeshay tageerayaasha xisbiga WADDANI ee Degmooyinka Gacanlibax iyo Axmed Macalin Haruun.kulanka oo uu shir-gudoominayey gudoomiye gobolka marood-jeex ee xisbiga WADDANI Md Siciid Bustaale ,kuna weleliyeen  Xoghaya G/M Mahad Iyo Weliba Gudoomiyah garabka Haweenka ee xisbiga WADDANI Marwo Hinda Xasan Idirs Iyo Masuuliyiin Kale oo Ka tirsan Xisbiga WADDANI.

 

unnamed

kulan oo ujeedadiisu ahayd sidii loo dar-dar gelin lahaa habsami u socodka hawlaha xisbiga ee degmooyinka Gacanlibaax iyo Axmed Macali Haruun ,madaamay doorashooyinkii fooda inagu soo hayso , waxa halkaas ugu horayn  ka hadlay gudoomiyaha Xisbiga WADDANI ee G/Maroodi-jeex Siciid Bustaale Isagoo u mahad Naqay xubnaha tageerayaasha xisbiga ee  Degmooyinka Gacanlibaaxa iyo Axmed Macalin Haruun ee kulanka ka soo qaybgalay waxaanu sheegay gudoomiyuhu inay dhawaan laga hirgelin doono  laba  xaafiis oo  hoos iman doona ka  gobolka maroodi-jeex.,kuwaas oo noqon doono xafiis hoosaad-yada degmooyinkaasi ,waxa kale oo iyana madasha shir kan ka haddashay Gudoomiyaha Garabka Haaweenka ee g/maroodi jeex Marwo Hinda Xasan Idiris,oo madasha ugu mahad naqday tageerayaasha ka soo qayb-galay iyo masuuliyiinta soo agaasinta hawashan waxaanay ku boorisay tageerayssha xibiga WADDANI ee degmooyinkaas inay sii laban laaban tageerida xisbiga WADDANI ayna isku duub-nadaana,waxa kale oo isna halkaasi ka haddalay Xoghayaha Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga WADDANI,waxaanu mahad naq balaadhan u soo jeediyey tageerayaasha ku dhaqan degmooyinka Gacanlibax iyo Axmed Macalin Haruun,sida balaadhan ee ay tageeradoodaa ugu muujiyeen xisbiga WADDANI,isagoo buushareeyay  inay dhawaan yeelan doonaan laba xafiis oo laga haga siiyaasada Xisbiga WADDANI.

Geesta kalena waxa iyana madasha ka hadlay xubno ku hadlayey magacyada Tageerayasha xisbiga WADDANI ee Degmooyinka Gacanlibaax Iyo Axmed Macalin Haruun Waxaanay ugu horayn u mahad naqeen hogaanka xisbiga WADDANI ee gobolka maroodi-jeex  sida quruxda badan ee ay u soo dhaweeyeen,waxaanwaxay goobta ka cadeeyeen inay cududooda caqligooda iyo cuudkooda ku taageerayaan xisbiga WADDANI siina laba jibarayaan dedaalkooda.

isku soo wada duubo hogaankan cusub ee xsibiga WADDANI u Magacaabay gobolka maroodi jeex ayaa si is daba jooga shirar noocan oo kale ah maalin kasta ula yeesha mid ka mid ah degmooyinka caasimada ,waana kulamo lagu dar-dar gelinayo hawlaha xisbiga.

Salaanmedia/Hargaysa