Islaamiyiinta ciraaq iyo suuriyay oo qabsaday magaalo kale oo istiraatiiji ah.

imageXoogaga Islaamiyiinta ee ciraaq iyo suuriya ayaa la wareegay magaalada kale oo muhiimah oo katirsan Gobolka Al-Anbar ee dalka Ciraaq. Magaaladaan oo loo yaqaan ee Al-Baqdaadi ayay islaamiyiinta ku qabsadeen dagaal aan waxba la iskula hadhin.
ciidamada dowladda Ciraaq ayaa dagaal loogaga saaray magaaladan oo ilaa 8-KM u jirta saldhiga ciidamada cirka ee Ceynul Asad, waxaana ay salidhig u tahay boqolaal ciidamo Mareykan ah oo dhanka farsamada ka caawin jiray ciidamadii ciraaq ee lagasoo saaray magaalada Al-Baqdaadi.
Qabsashada Magaaladaan ay qabsadeen xooggaga islaamiyiinta ayaa imaanaya xilli iskaashiga caalamiga ee ka dhanka ah Islaamiyiinta uu kordhiyay duqeymaha dhanka xirka ah.
saldhigga ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka oo la sheegay inay tababarayaan ciidamada Ciraaqiyiinah, xooggaga islaamiyiinta yaa sheegay inya ku wajahan yihiin saldhigga ciidamada mareykanka ay ku leeyihiin magaalada ceynul-asad.
Sarkaal u hadlay Waaxda Pentagon ka Mareykanka ayaa xaqiijisay qabsashada magaaladan, isagoo xusay inay walaac ka muujinayaan weerar lagu soo qaado saldhigga ciidamada mareykanka ku leeyihiin magaaladda ceynu-asad..

Salaanmedia/Mogdisho