‘Ku Noqnoqoshada Dhagax-dhigga iyo Xadhig-jarista Xukuumadda Siilaanyo Ceebtood Maaha ee waa Caadadood’

image

 

 

 

 

 

 

Jamaal Cali Xuseen
Hargeysa-(SM)-Murrashaxa madaxweynaha xisbiga UCID Mr. Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in xukuumadda Siilaanyo caado ka dhigatay inay ku noqnoqoto xadhig-ka-jaris iyo dhagax-dhigis meerto ah.
Sidaa waxa uu ku sheegay qoraal uu ku faahfaahiyey goobaha kala duwan ee xukuumaddu dhagax-dhigtay, kuwa xadhigga laga jiray iyo goob kasta inta jeer ee masuuliyiinta xukuumadda KULMIYE ku noqnoqdeen.jamal
“Waxaan yara dareemay inay jiraan goobo dhowr jeer la dhagax-dhigay iyo goobo dhowr jeer xadhiga laga jaray; bal ila eega oo idinkuna ku dara;
Imminka mashruuca ballaadhinta dekadda Berbera waxa madaxweynahu dhagax-dhigay tiraba 3 jeer marka lagu daroo tii ugu danbeysay ee maanta (shalay).
Waddooyinka Dawladda Hoose ee Berbera dhammaystirtay ilaa 4 waddo oo kala jaad ah ayuu xadhigga ka jaray Madaxweynaha Somaliland.
Wasiirka Ciyaaraha Somaliland isagu way tiro beeshay inta garoon ee dadku gaar u leeyihiin ee uu xadhigga ka jaray; hadda iyadoo garoomadii dadweynahu wada lahaayeen dhulkoodii dhallinyaradii ay dawladdu maalin walba garoon iibinayso iyo iyadoo tartankii ciyaaraha gobollada dalka dawladdani awoodi kari weyday inay u qabato tartankaas 3dii sannadood ee ugu dambeysay, halka ay maalin walba hantidii ummaddu wada lahayd toos u boobayaan, una iibinayaan.
4, Waddada Baligubadle iyo waddada Sallaxley oo madaxweynahu tiraba afar jeer marka la isku daro ay dadka waddada dhisanayey ku sharfeen inuu Madaxweynaha Somaliland dhagax-dhigo, iyadoo taasi jirto ayaan haddana kaalintii xukuumadda dadkaasi tebayaan, illaa maantana dadkii wey dedaaleen oo dawladdii wixii ay iyadu qaban lahayd ayey ummaddii qabsanayaan oo dawladdiina waxa ka soo hadhay faan iyo majaro habaabin wixii iyagu ka geysteen.
Waddada Ceerigaabo iyada waxa la dhagax-dhigay 2 jeer, xagga xadhig ka jaristana ilaa 3 jeer. Markii ugu horreysay waxa waddada la dhagax-dhigay bishii September 2013-kii. Ilaa hadda inta la dhammeystiray gebigeeduba waa 10km marka laga yimaad Ceerigaabo iyo 10km marka dhinaca Burco laga tago ah, iyadoo ay hore innoogu ballanqaadeen inay sannad gudihii ku dhammaystiri doonaan 100km xilligii ugu horreysay ee ay dhagax- dhigeen September 2013-kii, iyadoo waddada xaddigeeda guudna uu yahay 365km. Waxa taas ka sii daran in waddada Ceerigaabo loo ururiyey dhaqaale aad u fara badan oo la lunsaday, iyadoo dhammaan shaqaalaha dawladda iyo goleyaasha qaranka lagaga jarayey lacagta waddada Ceerigaabo, oo lacagtii nusasaacaha ardaydana laga qaadayey.Tusaale ahaan, ilaa $70,000 (toddobaatan kun doollar) waxa laga ururiyey ardayda Boorama nusasaacahoodii. Sidoo kale, magaalooyinka kalena lacago aad u badan laga soo ururiyey waddanka gudahiisa iyo dibadiisaba. Waddada Ceerigaabo waannu taageersanahay, laakiin musuqmaasuqii dawladdu waxa uu kellifay in xataa lacagtii ummadda ka soo ururiyeen ay leexsadeen, runtiina aanay xaqiiqda ka sheegin mashruucaas weyn ee fiican ee waddada Ceerigaabo iyo dhammaan wadooyinka kale ee Somaliland ee shacabku ku dedaaleen.
Adduunka weligay maan arag waddo marka 5km la dhammeeyaba loo samaynayo xaflad xadhigga lagaga jarayo oo lagu faanayo oo loo davbaal degayo. Miyey innaga go’daa in aynnu dabbaal-deg u galno 5km oo keliya?” ayuu Jamaal Cali Xuseen ku yidhi qoraalka ii naqdiyey mashaariicda horumarineed ee xukuumaddu furto iyo kuwa cusub ee la dhagax dhigo.

 

Jamaal Cali Xuseen