MAANSO. MAAD GARAN

maanso

24 / 2 / 2015
waxa aan salaama-yaa war baahinta
daacadda-ah
MAANSO MAAD GARAN.
WAA KEENE IYO KORDHIYE.
KEENE.. waar yaa kordhiye saaxiib wax aan ku weydiiyo
Wax maanta aan ku idhaaho garanmaayo.
Laakiin waxa aan garana-yaa . inay xukuumaddani tahay
WADA-XUN . si khayrle haynagu dhaafto .
Adiguna wax kale ha odhan afartii uun ku dhufo.

KORDHIYE . saaxiib adaa udhammeeyay markaad tidhi
WADA-XUN. Afartiina waa tan .
WAA MAANSADII . MAAD-GARAN.
Maad garan wixii loo goblamay.
Badi guyaal-kaase.
Maad garan garnayl-kii ku dhacay
Hooyo gurigeeda.
Maad garan intii geeri badan
Aawadeed goaye.
Maad garan garbii laysku xidhay
Geedka lagu tiirshay,
.
Maad garan guntii waxay faleen
Waad ka guban layde.
Maad garan waxay gooba-yeen
Geesigii baxaye.
Maad garan gahayr iyo qadhaadh
Goob la soo maraye.
Maad garan intii guul galiyo
Tegiddi gaashaamo.
.
Maad garan gadiid iyo habeen
Kaarihii gelayay.
Maad garan guryii laga dunshiyo
Qaxi la gaadhsiiyay.
Maad garan gadood iyo wixii
Guluf isweydar-tay.
Maad garanin guushii la helay
Mari garteedii-ye.
.
Maad garanin gobolada dhammaan
Gaawahaw cula,e
Maad garan qabiil haw gurgurin
Goosan iyo jeese.
Maad garanin gaajiyo dhibtii
Godol ku nooleeye.
Maad garan gargaar weyn u fidi
Naafadii ganane.
Maad garan faliidh kii ka gura
Ay la guban-yiine
.
Maad garan gadniin-kaa berbera
Waa gun- nimo weyne.
Maad garanin taariikh guddaa
Gaadh dablay tahaye.
Maad garan waxaa gini la dhacay
Waad ku geli jeele.
Maad garan gefkiyo boobka qaran
Guudka kuu sudhane.
.
Maad garan wixii loo gubtiyo
Gocondhadii hawde.
Maad garan gawan-tii la yimi.
Aan gidaar hadhine.
Maad garan gabdhii ooyayiyo
Gawracii ubade.
Maadgaran gafana yaw ha noqon
Faqash garaad keede.
.
Maad garan gabaareyda badan
Hawgu gacan haadin.
Maad garan xornimo waad gabtee
Go,a ka sii qaado.
Maad garan tijaabaad gashoo
Gunudday ceeb weyne.
Maadgaran gurmad baa jiree
Geli xisaabtaada .

Mahadna (ALLAA ) iskale.
Waa keene iyo kordhye