MADAXTOOYADII OO QIYAAMAHEEDII KACAAYO 26 JUNE 2015

Asalaamu calaykum waraxma
MAQAAL
Marka caalamka cimrigiisu dhamaado waxaa la gaadhayaa waxa Saacada la yidhaahdo taas oo ah rogitaanka kawn-kan aynu joogno waxaanay ku imanaysaa siidhiga Suurta la yidhaahdo oo laba jeer la afuufaayo. Marka hore oo rogmasho ah iyo marka labaad oo soo bixitaankii ah
Saacada waqtigeedu waa sirta uugu culus ee Qur`aanku sheegay taas oo ILaahay(SWT) oo keliyi og yahay lagana qariyey xataa Malaga suurta haya ee caroogaas afuufi doona, wax siyaasad qofkii garanayaa geliyo ama ka baadhana maaha, ILaahay(SWT) waxaynu ka baryaynaa inaanu ina gaadhsiin xiliga suurtu ay dhacayso waayo waa belaayo oo dhan marka la isu geeyo tii ugu weynayd. Aamiin
Waxa la yidhi cabanaanta ama fulaynimadu wax kasta way kaa yeedhsiisaa ee ma maqasheen inay madaxtooyadii tidhi `26 June 2015ka suurtii lama afuufaayo` cajiib! Oo ma qaybkay daalacdeen? Armay kaba soo horaysaa? Yaa og oo aan Rabbi (SWT) ahayn? Mise hadalkii gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro, UCID iyo Madashu ay jeediyeen ayaaba qiyaamihii idinkaga daran? Maxaa keenay is bar bar dhiga go`aamada mucaaridka iyo Suurta afuufitaaankeeda? ILaahayoow aanu adoon aad abuurtay sidaas nooga sasin oo aanaan tiisa iyo taada isku metelin. SUBXAAN ALLAAH
Gacan yaraha madaxweynuhu wuxuu ina yidhi, Siilaanyana waad garanaysaan raga ku xeerana waa garanaysaan? Nacam baanu leenahay, anigaa wasiirka markhaatigaas u furaaya inaanu odeyga iyo inta dul joogtaba si fiican u garanayno. Hadaba horta Ma Siilaanyo mise inta ku xeeran
A) Siilaanyo intaan ku arkay aan dib marsadee intii ay mujaahidiintii SNM iiga sheegeen waxay ahayd inay ninkaas uugu darayd maalintii lagu yidhi 1988kii  gudaha dalka ayaa la gelayaa, waxaanu halkii wax kale laga filaayey codsigiisii uugu horeeyey ahaa bay yidhaahdeen asagoo ilmo ku soo taagan tahay `ILmaadeerayaal intaan Ethiopia ka baxaayo ee aan UK ku noqonaayo ha la i sugo waayo Mingiste ayaan ka baqayaa inuu i xidho. 
Oo dee maad gudahaba noo raacdid oo dagaalka nala gashid ayay ku yidhaahdeen? Waar mayee anigu debedaan inooga soo shaqaynayaa oo anigaa jab la maaganee dhawr cisho ilmaadeerayaal ii kaadiya ayuu hadana ku celiyey.  Markuu dhawr jeer sidaas ku baryootamay asagoo gariiraaya oo bawdyaha isla dhacaaya ayay mujaahidiintii qaar ka mid ahi yidhaahdeen waar adeer waayee bal na dhaaf 
Intaanse anigu ka soo gaadhay markaan mid keliya uun ka soo qaato waxba duqa ku talax tegi maayee waxay ahayd. Doorashada waqtigeedii ayaan ku qabanayaa maalina la iigu dari maayo. Hadaba tan siduu ka yeelo ayuun baa shacbiga iyo asaga ka dhexaysa, ee ma doorasho hufan June 2015 ninkaasi qabay mise ma qaban? Haduu qabto waa nin jira wixii horena wanaag ku masaxay, haduuse qaban waayo? Wuxuu yeelanayaa sadexdii calaamadood ee munaafaqiinta oo kala ah
1. Beenaalenimo
2. Balan daro
3. Amaano la`aan
B) Inta ku xeeran ee ayagu aan macno kale lahayn hebel u jawaab  mooyaanee waxba odhan mayno balse waanu u soo ducaynaynaa in ILaahay (SWT) dhaqanka iyo milgaha suuban tuso oo ay mar uun si sharaf leh oo masuuliyadi ka muuqato u dhaqmaan
Baashe Qulumbe