Madaxweynaha Somaliya oo u amba baxay Magaalada Ankara, xilli uu ku wajahan yahay dalka Jarmalka

timthumb

Madaxweynaha Dowladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta waxa uu u amba baxay Magaalada Ankara ee Xarunta Wadanka Turkiga, iyadoo uu kaga sii tallaabi doono dalka Turkiga.

Ciidamada Militariga, Nabad Suggida iyo Booliska Dowladda Somaliya, ayaa saakay waxay u xidheen Wadooyinka Magaalada Muqdisho, intii uu Madaxweynuhu uu ku sii jeeday Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Safarkaan waxaa Madaxweynaha ku wehlinaaya mid ka mid ah xaasaskiisa iyo qaar kaloo qoyskiisa ka mid ah, waxaana lagu wadaa in safarkiisaan uu qaato toddobo ilaa toban maalmood.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxaa la soo sheegayaa in dalka Jarmalka uu u tagi doono, sidii uu baaritaano caafimaadeed uu ugu soo mari lahaa, ka dibna markii Madaxweynuhu uu xanuuno isku arkay.

Sideed toddobaad ka hor waxaa soo baxay in Madaxweynuhu uu la xanuunsanaayo buuq xoog leh, oo markaasi uu kala kulmay sidii lagu ridi lahaa Ra’iisal Wasaarihii hore ee Xukuumadda C/weli Sheekh Axmed Maxamed. Madaxweynaha wuxuu mar kale uu la xanuunsaday hujuumkii Madaxtooyada kaga imaanaayay Xildhibaanada Baarlamaanka, oo iyagu si weyn kaga horyimid in la ansaxiyo Golaha Wasiirada cusub.

Madaxweynaha Somaliya oo xalay Madaxtooyada kaga qaybgalay casho sharaf uu Ra’iisal Wasaaruhu u sameeyay Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa wuxuu Madaxweynuhu ka sheegay in Arbacada maanta ah, uu dalka kaga amba bixi doono safar xagga dibadda ah, laakiin maanu kala cadayn halka uu safarkiisu ku wajahan yahay.

Madaxweynaha, ayaa sidoo kale cudur-daar ka bixiyay inaanu habeenka Khamiista Magaalada Muqdisho kaga qaygali karin munaasabad, lagu wado in lagu soo xidho Fadhigii 5-aad ee Baarlamaanka Somaliya, bacdamaa uu safar gelaayo.

9-kii bishii Febraayo ee sanadkii tagey, ayuu Madaxweynuhu uu caafimaad dibadda ah u tagey dalka Turkiga, isagoona isku soo sameeyay baaritaano guud oo caafimaadeed (Medical Check Up).  

Salaanmedia/Moqdisho