Maraykanka Oo Safiirkii Ugu Horeeyay Muddo 20-sanno Ah U Magacaabay Dalkaasi Soomaaliya.

(SM..Washington)Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa markii u horeysay Safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya, tan iyo sanadkii 1991-dii, iyadoo tani ay sii xoojineyso xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka. Afhayeenada Wasaaradda Arrimaha Dibada Mareykanka Jen Psaki ayaa ku dhawaaqday in Khaterine Dhanaani loo magacaabay Safiirka rasmiga ah ee Mareykanka u fadhin doona Soomaaliya muddo 24-sano kadib.image

Katherine

Katherine Dhanaani ayaa muddo aheyd diblomaasi ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibada Mareykanka, iyadoo la sheego inay qibrad u leedahay Qaaradda Afrika.

Mareykanka ayaa aqoonsaday dowladda Soomaaliya sanadkii 2013, kadib markii ay sanadkii 2012 ka baxday Kumeel gaarkii ay mudada ku jirtay.

Jen Psaki ayaa sheegtay in magacaabistan oo ah mid taariikhi ah ay muujineyso xiriirka qodada dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka uu u ogolaanayo horumarka ka jira Soomaaliya.

“Magcaabistan taariikhiga ahi waxay muujinaysaa xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Somalia iyo Maraykanka, waxayna noo ogolaanaysaa inaanu ka marag kacno horumarka ay samaynayaan dadka Soomaaliyeed ee ka soo baxaya sannado badan oo ay halkaasi ka jireen colaado”ayay tiri Jen Psaki.

“Soomaaliya waxaa hortaalla shaqo badan oo ay tahay inay dhamaystirto si ay uga baxdo xaaladda kala guurka isla markaana ugu hayaanto qaran ku naaloonaya barwaaqo, nabad iyo dimoqraadiyad, Dalka Maraykanka waxaa ka go’an inuu ku taageero isla markaana ku garab galo Soomaaliya safarkoodaas sida saaxiibo isu samra oo kale”ayay mar kale tiri Afhayeenadda Wasaaradda Arrimaha Dibada Mareykanka. Haddii magacaabistaasi uu ansixiyo Aqalka Sanate-ka ayaa Katherine Dhanani oo ah safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya waxa ay xarunteeda noqon doontaa magaalada madaxda dalka Kenya ee Nairobi.

Salaanmedia/Hargaysa