Mas’uuliyiin Ay Ka Mid Yihiin Wasiirka Beeraha Koonfur Galbeed Soomaaliya Iyo Suldaanka Beesha Biimaal (DIR) Oo Soo Gaaray Sh/hoose

news

Wararka aan ka heleyno gobolka Sh/hoose ayaa sheegayo in maanta gelinkii dambe  degmada Lambar 50  ay soo gaadheen mas’uuliyiin uu hogaaminayo wasiirka beeraha iyo waraabka maamulka Koonfur Galbeed mudane Maxamed Xasan Fiqi iyo Suldaanka beesha Biimaal Suldan Ibraahim Suldaan Cali Suldaan Cabdiraxmaan.

Safarka mas’uuliyiinta oo ahaa mid horey u qorsheysnaa ayaa waxaa laga dareemayaa deegaanada ay booqanayaan diyaar garow balaaran oo ay sameynayaan dadka deegaanka maadaama mas’uuliyiintani yihiin kuwoo ka soo jeedo Sh/hoose.

Wariyaha halkaa kasoo waramayaa  ee magaalada Marka ayaa soo sheegayo in mas’uuliyiintan ay maalmaha soo socdo booqan doonaan deegaano dhowr ah oo ay ugu horeeyaan degmooyinka Marka, Jannaale iyo Shalambood ee gobolka Sh/hoose.

Waa markii ugu horeysay ee  uu masuulkani soo gaadho bobolada Shabeelada Hoose,lasoco wixii war ah ee kasoo hordha Insha Aallah.

Salaanmedia/Moqdisho