MAXAA MUDDO KORDHIN LOOGU SAMEEYAA XUKUUMADDA S/L EE AY SOO KORDHINAYSAA ?

maqaal

Xukuumadda xisbiga kulmiye ee dalka maamusha , waxay ku guul-daraysatay in ay doorashiiyinkii xiligoodii qabato. muddo 4sano iyo badh ay dalka maamulaysay .
Waxay xukuumaddu diyaarin kari weyday in doorashooyinku xiligoodii qabsoomaan , arintaana micnaheedu waxa weeye , in xukuumadddu shaqadeedii qabsan kari weyday , talaabada arintaa laga qaadaana waxa weeye , khiyaamo qaran .
Hadaba xukuumaddu waa inay qirataa , inay shaqadeedii distuuriga ahayd ee loo doortay ay qabsan kari weyday ,
Arinkan oo ah jileec iyo aqoon darro haysta xukuumadda , caddaynaayana maamul xumada xukuumadda haysta .
Arinkan oo micnihiisu yahay in aanay xukuumaddu dalka maamuli karayn , laguna sii aamini karin in ay sii xukunto .
Hadaba xukuumadanu way ku fashilantay inay doorashooyinkii xiligoodii qabato ..
Hadaba sidee lagu aaamini karaa , inay qaban karto mustaqbalka doorashooyin ?
Khaladkan ay xukuumaddu gashay waa mid aan la dhaafi karayn ?
Waa mid aan xukuumadda muddo kordhin loogu samayn karayn ?
Waa mid aan dalka iyo dadka lagu aamini karayn .
Waa xukuumad u tafa xaydatay in ay hantida ugu badan lunsato ..
Waa xukuumad ku caanbaxday qabyaalad- laaluush-iyo caddaalad darro .
Hadaba maxaa muddo kordhin loogu sameeyaa , ee ay soo kordhinaysaa ?
Maxaa ka qabyo ah ee ay wax ka qabandoontaa , haddii muddo kordhin loo sameeyo ?
Ma wax aan maamul xumo ahayn ayay soo kordhinaysaa ?
Ma madaxweyne shaqadiisii qabsan kari waayey , ayaa muddo kordhini wax u taraysaa ? ama loo sameeyaa ?
Ma xukuumad iimaan beeshay ayaa muddo kordhin loo sameeyaa ?
Qodob qudha oo sharci ah , oo muddo kordhin loogu sameeyaa majiraa ?
Sabab qudha oo muddo kordhin loogu sameeyaa ma jirtaa ?
Maxaa muddo kordhin loogu sameeyaa ee xukuumadani soo kordhinaysaa ?
Somaliland waxay ku faani jirtay , dalkayagu waa , dal nidaamka dimuqraadiyadda qaatay , oo ay ka qabsoomaan doorashooyin , laakiin arinkaasu iminka uun buu beenoobay .
Sideebay somaliland ku noqonaysa dal dunida ka mid ah , kol haddii aan lagu dhaqmayn sharcigii dalka u yaalay , oo ay xukuumaddu ka dhigatay ( la jiifiyaana banaan ) .
Dalka somaliland siduu beesha caalamka kaga mid noqonayaa , kol haddii sharcigii la jebiyo .
Hadaba haddii sharciga iyo distuurka lagu tunto , dawladnimadii dalkanu lahaa maxaa u hadhay?
Allahayaw badbaadi shacabka somaliland iyo dalka somaliland meel xun baa lagu wadaaye .
CALI MAXAMED BIIXI
caliwwelli@hotmail.co.uk