Maxaan ka Xasuustaa Geesigii Cabdilaahi Cabdi Aw Xirsi (Cabdilaahi Xero)

Kaysar

Arbaca, February 25, 2015 Hargeysa(SM)-Waxa aanu ka soo dhaqaaqnay Tuulada Dabo-Bahal xilli danbe oo Habeenimo ah iyada oo Hiirtii Waaberi aanu ku soo dhaadhacnay Waddo Jid-Cadde ah oo dhinac marta Tuulada Dhubato ee Magaalada Hargeysa dhinaca Bari ka xigta, Waxa aanu cagta sii marinay Ciidan yar oo aan tiro badnayd oo ka tirsanaa Ciidankii Dawlada qaybtii aad 24aad oo halkaas dhuumasho ugu jiray si ay u qabtaan kooxo ka tirsanaa Ciidankii SNM ee Haybe Laambad oo dhinaca Buuraha Waqooyi ku jiray oo halkaas dhubato agteeda Saadka iyo Sahayda loo marin jiray, wax badan nagumay qaadan markii aanu Fitir iyo faatir u kala tuurnay Ciidankaas oo aan tiro badnayn, waxaana Xusid mudan in ay Ciidankayaga hor kacayeen Labo Kaare iyo iyo laba Beebee oo ay kala wadeen nin la odhan jiray Rujiye iyo Col. Geelle nin la odhan jiray oo Taangiiste ahaa, iyada oo labada Beebee mid ka mid ah uu waday nin la odhan jiray Dhagaweyne iyo ina Galaydh oo guutada Sancaani ka tirsanaan jiray intii aan Guutada Koodbuur la aasaasin.

Ciidankii Laamida Dhubato loogu talo galay oo labada Kaare ay ka mid ahaayeen inta aanu halkii ku dhaafnay ayaanu markiiba Cagta saarnay Jidkii Laamiga ahaa ee Berbera tegeyay, Gaadhiga aan dushiisa saarnaa waxa uu ahaa gaadhi Sabaax ah oo uu lahaa Allah ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Nuur oo loo yaqaanay Dhego-dheere, Waxaana gaadhigaas Shidhka ugu jiray Cabdillaah Xero. Markii aanu Laamida Cagta Saarnay ayuu inuu Luqunta ka soo riday oo uu na soo eegay ayuu kor u dhawaaqay oo Ciidankayagii dusha saarnaa waxa uu ku yidhi Waar Wixii garanayow Qulaacuudiyada Akhriya! Anaga oo Xadrraynayna oo niyadayadu aad u sarrayso ayaanu Laamida ku dhacnay.

Intii aanaan ka soo Dhaqaaqin Tuulada Dabo-bahal oo aanu in Muddo ah degenayn, waxaa goobtaas ay Saraakiishii iyo Madaxdii SNM ka jeediyeen Qudbado dhiigu uu da’ayay oo guubaabo, tusaalayn iyo dhiirri gelin ahaa oo ay u jeedinayeen Ciidankii Berbera inay weeraraan loogu talo galay iyo ciidankii kale ee la socday ee Dhubato lagaga tegayay, Madaxda halkaas Qudbadaha ka jeediyay waxa ka mid ahaa Col. Carab Ducaale oo ahaa Taliyihii Guud ee Ciidamada SNM, Col. Baashe Talaata Codle, Col. Maxamed Cali Weerar “Afwaranle”, Muj. Xasan Maxamed Ubaxle “Xasan Ganey” Muj. ina Kudhaaco, Col. Ibrahim Dhegoweyne, Muj. Cabdilaahi Xero Iyo Saraakiil tiro badn badan oo aanan magacyadooda wada Xasuusan, waxaana dhamaan Saraakiishaasi ay Ciidanka SNM ku dhiirri gelinayeen Ilaalinta Xeerarka Dagaalka iyo inaanay wax Xadgudub ah ku kicin ee ay beegsadaan oo kaliya Ciidamada Dawlada.

” Wax badan ayaynu soo galnay dagaalo dabo furan, oo inta aynu meel weerarno aynu Xeryaheena dib ugu soo noqono, dagaalkani wuu ka duwan yahay dagaaladii dabada furnaa, Waa dagaal dabo Xidhan oo aan ka soo Noqosho lahayn, Nin kastaa haku talo galo dhimasho, dhaawac, gacmo, la’aan, Indho la’aan, iyo cago la’aan” ayaa ka mid ahaa Qudbad aad u Xamaasad iyo Qiiro badnayd oo uu Cabdilaahi Xero halkaas ka jeediyay.

Waxaa lagu jiray Seben Colaadeed, waxaana ay ahayd xilli uu Labo-laxaadsaday Halgankii lagula jiray Xukuumadii Naxariista darnayd ee uu hHogaaminayay Kaligii Taliyihii Haligmay ee Maxamed Siyaad Barre, waxaana Hogaankii SNM uu go’aan ku gaadhay inuu gacanta ku dhigo Goboladii Waqooyi oo ay ku sugnaayeen 80% Ciidankii Dawlada Soomaaliya, si loo burburiyo Ciidanka Dawlada ayaa Guutooyinkii SNM loo qaybiyay inay Saddex goobood oo Muhiim ah ay beegsadaan, dhinaca Galbeedka Hargeysa waxaa ku Qaybsanaa Guutooyinkii Afraad iyo Shanaad oo Saraakiishii hormuudka ka ahaa ay ka mid Col. Haybe Cumar, Col. Xasan Yoonis, Col. Muuse Biixi iyo Saraakiil kale oo tiro badan oo kale oo aynaan magacayadooda halkan ku wada xusi karin, , Dhinaca Bariga Magaalada Hargeysa ee Laamida Dhubato agteeda waxaa la dhigay Guutooyinkii Tobnaad, Kow iyo Tobnaad, Laba iyo Tobnaad, iyo Saddexaad waxaana Hormuud u ahaa Col. Cabdilaahi Darawal, Col. Maxamed Xuseen Qalinle iyo Col. Geelle, Muj. Yuusuf Kaahin Caateeye, Muj. Shabbac, iyo Saraakiil kale oo badan, Dhinaca Weerarka Berbera waxaa ku Qornaa oo loo qorsheeyay Guutadii Wareegi Jirtay ee Koodbuur, Lixaad A, Lixaad B, iyo Cutubyo ka tirsanaa Guutada Koowaad, waxaana hawl galinayay Col. Ibraahim Dhegoweyne oo ay gacan siinayeen Saraakiil tiro badan oo ay ka mid ahaayeen Col. Carab Ducaale, Col Talaato Codle, Jen. Cali Xuseen, Col. Bedel, Col. Xuseen Dheere, Col. Ibraahim Layla, Muj. Axmed Wayso Cadde, iyo Saraakiil tiro badan oo kale , dhinaca Magaalada Burco ayaa iyagana ay Waajaheen Guutooyin ay ka mid ahaayeen Guutooyinkii Sideedaad, Guutadii Koowaad, Iyo Ciidamo kale, Saraakiisha hogaaminaysay waxa Hormuud u ahaa Muj. Maxamed Kaahin, Mujaahid Xasan Kayd iyo Saraakiil kale. Dhinaca Gobolada Bariga Fog ee nawaaxiga Ceergaabo waxa ay badankoodu ahaayeen goobo la Xoreeyay waxaana Hoggaanka u hayay Col. Axmed Mire, Muj. Talaabo iyo Saraakiil kale. Dhinaca Xeebaha Saylac ayaa iyana ay ka socdeen hawlgalo culus oo ay wadeen Guutooyin ka tirsanaa Shanaad iyo qaybtii 99aad waxaana Hormuud ka ahaa Muj. Maxamed Xasan Jidhif iyo Saraakiil kale. Waxa uu ahaa weerkii lagu soo gunaanadayay maamulkii Taliskii Siyaad Barre iyada oo sidoo kale Ururkii SNM uu gacan Milatari iyo mid Istiraajiyadeedba uu siinayay ururkii USC oo isna hawlgalo culus ka bilaabay Koonfurtii Soomaaliya.

Hawlgalka ugu balaadhnaa uguna Miisaanka Cuslaa ee ururkii SNM uu ku taamayay waxa uu ahaa inuu Gacanta ku dhigo Dekeda Muhiimka ah ee Berbera oo ahaa Halbowlihii iyo Ishii ugu Muhiimsanayd ee ay ku dhisnaayeen Taliskii Ciidan iyo Maamul ee ka dhisnaa Gobolabada Waqooyi, waxaana Ururka SNM uu yiqiinsaday in haddii magaalada Berbera gacanta lagu dhigo ay fududaan doonaan magaalooyinka kale ee waaweyn sida Hargeysa, Burco iyo Borama.

La Soco qaybaha danbe iyo Kaalintii Cabdilaahi Xero ee Dagaaladii Xoraynta…..

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed
kaysar@diplomats.com