Meydka gabadh dhalinyaro ah oo laga helay Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

imageMeydka gabadh da’deeda lagu qiyaasay 20 sano jir, ayaa waxaa saaka laga helay Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho, iyadoo aan la aqoon cidda dhabta ah ee dishay gabadhaasi.

Gabadhaasi, ayaa waxaa loo maleynayaa in lagu dhex quusiyay biyaha badda, sidaana ay ugu dhimatay amaba waxaa loo maleynayaa in la baquujiyay oo cunaha la qabtay.

Meydka gabadhaasi, ayaa waxaa la keenay Isbitaalka Iqra oo ku yaala Degmada Xamar Weyne, waxaana la rumeysan yahay in gabadhaasi lagu dilay wax ka baxsan hubka wax dila.

Maamulka Isbitaalka Iqra, ayaa ku waramaaya inaanay aqoon cidda dishay gabadhaasi, isla-markaana ay ka baxsadeen niman dhalinyaro ahaa, oo meydkeedii keenay Isbitaalkaasi.

Maamulku waxa uu qoyska iyo qaraabada gabadhaasi uu ku wargeliyay, inay yimaadaan Isbitaalka Iqra, haddii ayba jirto gabar ka maqan tahay.

Waa markii ugu horeysay oo Xeebta Liido oo ku taala Degmada C/casiis laga helo meydka gabar la dilay.

Salaanmedia/Mogdisho