Ogaysiis Dhamaan Jaaliyada reer Somaliland Ee Ku Dhaqayn Norway : Ka soo Qayb Galid Kulan Ay idin Diyaarinayaan Gudida Ucid Norway Oo ka dhacaysa ANKER Hotel Maalinta Sabtida.

Ogaysiis: Laanta Xisbiga UCID Norway waxa ay ku soo dhaweynayaan kuna martiqaadyaan Jaaliyadda reer Somaliland ee Oslo iyo Nawaaxigeeda shir lagu qaban doono magaalada Oslo maalinta SABTIDA ee ku taariikhaysan 14.02.2015, saaccaddu markay tahay 17:00. Goobta kulanku waa ANKER HOTEL oo ku yaal Storgata 55.

Ucid logo
Waxa inoo marti ah oo imanaya Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Xisbiga UCID Dr Maxamed Cabdilaahi Maxamed (Aar).

M A H A D S A N I D I N

Guddida laanta UCID Norway.