Qormo Xiiso badan oo Ka dhacday xabaal du sheen.”Waryaa Cali Warancadoow kan Cirro muxuu igasoo agdoonay majecli aragiisa waan dhibsanayaa”

imageHargeisa(SM) Goob ayey ahayd aanay ka banaanayn wax dhaafsiisan Cabsida illaahay waxay ahayd qabuuro dushood oo cid kastoo islaam ahiba keliya ay ku xasuusato Aaakhirada Dambe ee aan laga gaboobayn, waxay ahayd meel qofkastiba qofka kale xumaan iyo wanaagba is cafis iyo saamax-naakum lays waydaarsanaayey, waxaa madax iyo shiciba Alle laga wada Tuugaayey inuu Naxariistii jano ka waraabiyo Su’aalaha Qabrigana Sahal uga yeelo marxuumka Aaskiisa lagu wada kulmay, kaaso ahaa Alle haw naxariistee Marxuum Xildhibaan Dhugad.
Cidkastoo wax is-bidaysayba qabuuraha kama maqnayn, waxaana lawada muujinayey miisaanka marxuumku kulahaa qarankan Somaliland.
Madaxdu waa ay kusoo kala horeysay qabriga dushiisa khalqiga aaska isugu yimina waxay ahaayeen Ceeryoon ilyartu is qabatay kadib intii aan maydka lagu ridin qabriga oo lawada sugayo inta meydka laga rogayo baaburka sida, ayaa waxaa koorne gaar u wada taagnaa Madaxweyne Siilaanyo iyo koox kamid ah wasiiradiisa waxaana kuwada xeernaa askarta ilaalada u ah iyagu dadka shicibka ah ka ilaalinaayey inay kasoo ag dhawaadaan madaxweynaha iyo kaadiriinta xukuumadiisa.
Kadib waxaa madaxweynuhu bartii uu taagnaa usoo dhaqaaqay Gudoomiye C/raxmaan Ciro oo ay weheliyaan Xubno muhiim ah oo Xildhibaan Rayte kamid yahay kadib waxaa ciro soo dhinac istaagay Wasiir Warancade oo dhinaca kalena uu ka taagan yahay Axmed Siilaanyo, halka xildhibaanka Mayalka adag Mudane Rayte isaguna soo istaagay kasoo horjeedka madaxweynaha.
Waxaa halkaasi ka dhacay waxan cidina filanayn, waxaa dhacay waxaan ka dhici karin goob ay taalo xasuusta aakhiro oo keliya oo diiniyan cidkasta ku waajib ah inay ku cibro qaadato, waxaa dhacay waxaan cidina ka filan karin shakhsi umad dhan rabbi weyne uga dhigaynmadaxweyne taaso ahayd, isla markii Ciro iyo Rayte soo dhexgaleen madaxweynaha iyo wasiirada qubuuraha ku weheliyey waxaa madaxweyna oo kolkii hore aad u sheekaynaya Isha ku dhuftay Gudoomiye C/raxmaan Ciro oo dhinac taagan Wasiir Warancade jaleecadii koowaadba intaanu Xildhibaan Rayte arkin waxaa madaxweyne Siilaanyo hilmaamay halka la joogaa meesha ay tahay waxaanu si cadho leh dhawaaq dheer ugu kor ugu dhawaaqay hadal xajiimaysan, oo muujinaya caafimaadka madaxweynaha ee ka madhan Saamaxaada madaxtinimo waxaanu yidhi“ Waryaa Cali Warancadoow kan Cirro muxuu igasoo agdoonay majecli aragiisa waan dhibsanayaa”., Intuu Warancade hoos u yara jeestay isagoon weli wax jawaab ahi kasoo bixin runtiina aad uga naxay hadalka aanu ka filanayn madaxweyne dhinaca kalena ka fajacay Cadhada xad dhaafka ah ee sikino gudahood bedeshay gebi ahaanba wejiga Axmed Siilaanyo dadkii kale ee ka ag-dhawaa ilaa askartiina afkii juuqda-gabay, ayaa Xildhibaan Mudane Rayte oo isaguna taagan kasoo horjeedka madaxweynaha si’adag ugu celiyey siilaanyo Jawaabtii ku haboonayd hadalka deel-qaafka ah ee madaxweynaha kaga dhacay qabuuraha dushooda waxaanu rayte yidhi “Madaxweyne Walow aynu dul joogno qabuuraha mid kastoo inaga mid ahiba tegayo, hadana aan kalmad aan ku idhaahdee, Hadii ciro aragtidiisu ku dhibayso waxaa hubaal ah inuu kaa adkaaday hadalkaaguna wuxuu marag u yahay guuldaro idiin soo hoyatay adiga iyo xukuumadaadaba, Gudoomiye C/raxmaan adeerkay ka raali ahaw”!!!!.
Halkaas ayaa lagu kala boqoolay goob joogeyaashayadii mid kamid ah ayay u suurta gashay inuu qaado sawir taariikhiya oo dhamaanba akhristayaal si xaqiiqada ku qotonta idiinka dherginaya dhacdadii qabuuraha.
Abdirisaaq Yusuf Cali “Terra”