Reer Berbera ha fahmaan halka iminka 10,000 oo shaqaale ihi Dekeda joogaan in komputaro lagu bedeli hadii la iibiyo by Abdi Mustafe

Berbera-Port1_1-
Dekeda Berbera waxa ka shaqeeya 10,000 oo shaqaala ah. Hadii shirkad ajanebi ah lagu wareejiyo waxay la imanaysaa mishiino iyokompuutaro shaqada qabta oo waxay u baahanayaan 150 qof oo qudha oo ah dad xirfad le. dadkaa kuman naanka ah ee kale suuqa ayaa lagu soo deynayaa. Sidaa darteed marnaba waa inaanay yeelin in Dekeda la iibsado. intaa waxa dheer in dad gaar ah oo madaxtooyada ka soo jeeda ama ku xidhani ay doonayaan intay kirada dekeda sii qadin taan ay dabeedna faryara bidix ka baxaan. Dalku wuu dhaxal wareegay oo Dekeda Berbera oo keliya ayaa ka hadhay. iyana waxaan filayaa in ay noqonayso goobtii u horeysay ee dagaal dad is qarxiyaa ka bilaabmi lahaa hadii loo dhawaado. Reer Berbera waa kuwaa la kulmi kari waayay Silaanyo ee uu diiday aragooda isaga oon wax jawaaba u heli lahayn iibka Dekeda iyo wershada laydhka iyo Amina Weris oo diidan in la ogaado in aan odeygu waxba xasuusan karin hadii odayada Berbera soo hor fadhiistaan. Si cadaan ah waakaa Silaanyo u kaxaystay beeshii uu ka soo jeeday oo keliya ee ay ku shirayaan Ceelgerde oo 30 km dinaca Bariga Berbera u jirta. Hadaan idiin sii kordhiyo wadada Ceelgerde tagta oon weli la dhamays tirin waxa qandaraas hal million iyo badha lagu siiyey Cumaani oo Silaanyo adeer u yahay oo ah ninkii Madaarka Hargiesa na lacagta ka lunsaday. Haday taasi been noqoto oo aan Cumaani qandaraaskaa aan sheegay la siin ha akhriyin maqaal danbe oo magacaygu ku qoran yey. Waa xaqiiq in Cumaani hal million iyo badh ku qaatay wadada isku xidha Berbera iyo Ceelgerde oo aannu weliba wax badan ka qaban. Ceelgerde ayaa maanta Silaanyo shir bileed ku galay oo 5 geela iyo adhi tiro badan lagu qashay. Gawaadhidii dowlada ee Berbera maanta waxa kuwada mash quul yihiin qaadista cunada iyo hawsha shirka. Silaanyo iyo qoys kiisu waxay sal-babakh ka qaadeen hadalkii Waddani iyo Ucid ku dhawaaqeen oo dawakhaad ayay ku jiraan. Shirka Ceelgerde agendaha uugu weyn ee laga hadlayaa waxa weeye Silaanyo wuu daalanyay ee sideynnu dalka u sii xukunaa. Yaa salaam. Caqli dumar baa meesha ka muuqda ee maaha talo rag
Abdi Mustafe