Shir Caalamiya oo ka dhacay Dalka Ingiriiska gaar ahaan London oo Soomaaliland oo ka qayb gashay oo soo gabagaboobay….

Shirkii Caalamiga ahaa ee Sharciga oo London lagu soo gebogebeeyey

Churchill_High

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa maanta lagu soo gebagabeeyey magaalada London ee UK shirkii ugu ballaadhnaa ee abid logaga hadlo sharciga oo 3 cisho ka socday HALL-weyn ee loo yaqaano Queen Elizabeth II Conference Centre oo ku yaalla badhtamaha magaalada London. 

1

Shirkan oo loogu magic daray xuskii 800-laad ee Magna Carta oo socday muddo saddex cisha ah (23 – 25 Februar 2015) ayaa waxa ka soo qayb galay in ka badan 120 dawladood oo ay ka mid tahay Somaliland. Waxa goobtii shirku ka furmay ka soo xaadiray dad tiradooda tahay 2250 ruux oo ay kamid yihiin in ka badan 90 wasiir caddaala iyo Xeer ilaaliye guud, Raysal wasaareyaal, safiirro iyo gar-yaqaano aad u tiro badan. Waxa kale oo iyana aad uga muuqday goobta shirkadaha waaweyn oo dhinaca sharciga ama Law firms

Magna Carta ayaa macneheedu yahay “ AXDIGII WEYNAA” kaas oo lagu sheegay inu yahay axdiga ugu caansan dunida, oo saldhig u ah badi shuruucda dunida maanta lagaga dhaqmo iyo xuquuqda aasaasiga ah ayaa waxa sannadkii 1215 soo saaray boqorkii UK ee waqtigaas. Waxana ka dheegtay dalal oo dabaqay dalal badan

Shirkaa waxa si toos ah loogu soo casuumay dawladda Somaliland oo ay uga qayb galeen Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland mudane Hassan Axmed Adan iyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka UK. 

2

Xeer ilaaliyaha iyo Safiirka ayaa intii shirku socday kulan gaar ah oo ay la qaateen Wasiirka Caddaaladda UK (Justice Secretary) mudane Chris Grayling ayey iskaga waraysteen iskaashiga ka dhexeeya labada dal iyaga oo uga warramay xaaladda guud ee Somaliland ugana mahad celiyay martiqaadka uu ku soo casuumay shirka iyo soo dhoweynta diirran.  Wasiirka Caddaaladda UK ayaa isna uga mahad celiyey ka soo qayb galka ay ku soo ajiibeen masuuliinta Somaliland casuumaddiisa, waxanu ballan qaaday inay dhinacooda ka sii xoojin doonaan iskaashiga labada dal. 

Somaliland Mission UK