Siyaasiga Dr.Cali Baab Oo Qeyla-dhaan Ka Soo Saaray Tacadiyo Ka Socda Shabeeladda Hoose ee Soomaaliya..

baab-150x150

Siyaasiga Dr.Cali Baab Oo Qeyla-dhaan Ka Soo Saaray Tacadiyo Ka Socda Sh.Hoose

Waxaan  cod aad u dheer  aan ku cambaareeynayaa,guud ahaan dhibaatooyinka iyo dagaalada ka jira gobolka Shabeellaha Hoose,iyadoon dowlada federaalka eysan wa xil ah iska saarin sugida iyo badbaadinta shacabka soomaaliyeed ee beeraleyda ah,oo deegaanadooda iyo guryahooda lagu dhibaateynaaya,taasoo eysan jirin cid xil iska saartay, rabtana in shacabkaasi nabadgelyo ugu noolaadaan deegaanadooda,si ay u hormariyaan tacabka beeraha,dowladana laga sugaayay in aay ku dhiira geliso,horumarkaasi,eeyna sugto Amnigooda,taasi badalkeeda waxaa inoo cadaaneysa dhibaatada iyo mashaqada ka jirtaaye ee Rubuc-qarni  jirsatay.

Iyadoo shacabkaasi lagu dhibaateeyo habab ama wajio badan, mid jabhad, mooryaan-beeleed,iyadoo sida laga war haayo haatan lagu dhibaateeyo  waji iyo awood dowladeed,waxaana  xusid mudan in aan weli xal waara aan laga gaarin shaqaaqooyinkii dagaal ee ka jiray degmada Marka,Deegaanka Nambar kontan(No=50),Buufow,Ceel-wareegow& meelo kale,ayaa biloowgii sanadkaan aanu ku jirno(bartamihii bishi January 2015),degmada Aw-dheegle

Waxaa ka dhacay,dhacdo aad u xanuun badan,oo loo geestay shacabkii ku noolaa degmada Aw-Dheegle,kadib markii xoolaleey socota ah ay xoolahoodii beerihii deegaankaasi ay si bareer ah ugu sii daayeen,kadib markii beeraleeydii beeraha lahaa iyo xoolaleydii ay wax yar oo shaqaaqa ah ka dhax-dhashay,ayaa ciidamadii dowlada federaalka ee joogay deegaankaasi waxeey laayeen beeraleydii beeraha xoolaha ay ka daaqeen iyagoo qaab beeleed ugu soo gurmaday xoolaleydaii sida gardarada ah beeraha xoolahooda ugu sii daayay,iyadoo maleeshiya beeleedkaasi qaabka ciidanka meesha ku joogay ayaa goobtaasi ka geeystay xasuuqaad uba`an,ilaa maantadana ma jirto cid ka hadashay iyo cid loo soo qabtay xasuuqaasi,taasi waxaa loo qaadanayaa ama ay tahayba dowlada federaalka ineysan wax dan iyo masuuliyadba ineeysan kasaarneen shacabkaasi,iyadoo intaasi tacdiyaad iyo waxyeelo joogta ah lagu haayo,shacabkaasi beeraleyda ahi.

Iyadoo aysan jirin cid ka hadleeysa dhibaatooyinka joogtada ah ee lagu haayo,ayaa haatani mudo Laba tadobaad ahi,ayeey hadana dib ugu soo cusboonaadeen,dhibaatooyinkasi aan kor ku soo sheegay iyo kuwa kaloo badan,oo ay maleeshaya beeleedka magaca ciidan-qaran huwan, kuna waxyeeleeya dareeska ciidanka qaran ee astaanta calanka soomaaliyeed wata shacabkii ay ka difaaci lahaayeen cadawga,ayeey xasuuq baahsan ku haayaan waa ayaan daro,iyadoon masuuliyiinta dowlada federaalkana aan ka hadleeynin,xasuuqaasi joogtda noqday ee lagu haayo shacabka beeraleyda soomaaliyeed,maleeshaya beeleedka dariiska iyo magaca ciidanka qaran wax ku xasuuqaaya waxeey dhibaatadooda saameeysay tuulooyinka hoos taga Dhamaan degmada ,Qoryooleey,dhibaatooyinka ba`ani waxeey si weeyn ay ugu jiraan,Buula-sheekh,Jiida-janaalle,Haduuman, & kuwa kale.

Waxaa wax lalayaaba ah,hadii deegaanada gobolada kale ay wax yari ka dhacaan,dhamaan madaxda dowlada iyo warbaahinada dalka ayaa ka hadla,una baxa sidii loo joo-jin lahaa colaadaasi,laakin dhibaatada Rubuc-qarniga ah ee ka taagan deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose iyo Shacabkaiisa aan la ogeyn,ama eysan kamid eheyn dadka iyo dalka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii waxaan cod aad u dheer aan ugu baaqayaa madaxda dowlada federaalka iyo shacabka soomaaliyeed ee waxgaradka ahi in si deg-deg ah loogu istaago hakinta gumaatka iyo xasuuqa lagu haayo shacabka soomaaliyeed ee Beeraleyda ah ee ku nool gobolka Sh.Hoose,hadaan loo dhaga nuglaanin oo aan sideg-deg ah loogu hortagin Xasuuqa iyo gumaatka lagu haayo shacabkaasi, wixii Natiija xuma ah ee ka dhasha  ineey Dowlada Federaalka ahi masuuliyadeedu  leedahay,maxaa yeelay shacabka gobolka Sh.Hoose ,samirkii iyo dulqaadkii weey kasii yaraanayaan,farahana ma laaban doonaan,waxeeyna xaq u leeyihiin ineey is difaacaan.

 

Dr.CALI CABDI BAAB.

Madaxa Hey`da Nabada & aquuqal-Insaanka ee

Dedeysamow peace & Humanrights

( VOICE FOR THE VOICE-LESS )