Waa wareey ma Baashe Morgan baa aqal hal million ah London ka iibsaday maxaan se uula yaabi miisaaniyada madaxtooyaduba waa 39 million oo dollar by Abdi Mustafe

Moorgan
Morgan maxaa dhigay guriga sodohda bal in uu naasuq yahay. Wiilashii ilma Silaanyo ba guriga ma joogaan lagumana heysto hanti bay lunsadeen hase yeeshee Baashe Morgan aqal buu sodogii iyo sodohdii la degenyey oo weliba shicibkuna necebayay. Indha dagaa ma bacadaa baan maqli jirey. Maan fajicin markaan maqlay Baashe Morgan aqal hal miilion oo dollar ah buu London ka iibsaday sababtoo ah miisaaniyada madaxtooyada oo keliya ayaa ah 39 Million dollars sanad kiiba. Subxaan. Oo ay weliba u dheertay lacagaha malaayiinta ah ee aduunku Somaliland ku caawiyo. Shaki igagama jiro in Marwada Madaxweynuhu ka mid tahay 7 dumara ee Africa uugu lacagta badan. Waxase la yaable, weli haakah may odhan Silaanyo iyo qoys kiisu oo waxay leeyiin
hal min masiid .. wax kale ma heysaan. Waxa la yidhi cadaabta ayaa la weydiiyaa ma buuxsantay markaasay tidhaa hal min masiid ….. ma wax kalaa ii heysaan. Hadaba qoyska Silaanyo waa sidaas oo kale oo waxay leeyiin malaayiin kale ma noo heysaan … Acuudu bilaa …. Waa maya !!! Hadaba Somaliland qoom baa ku habsaday aan ilaahay iyo aadmi toona ka xishoonayn. Imisaa laga qeylinayey Baashe Morgan haday xishoonayaan sow may yidhaahdeen waar is qari oo London ku noqo. Bal sadexda wiil ee Silaanyo aabaha u yahayba cid ka cabanaysa arag. Wey ka durkeen musuqa waalid kood faraha kula jiro iyo fool xumada. Isku soo wada duub oo Somaliland wey eeday qoyska Silaanyo iyo casaabada ku xeeran. Wadankii kiiba waxay ka dhigeen waxay dhaceen, iyo wax ay iibiyeen iyo waxay toogteen iyo wax ay xidh-xidheen. Waxana u sababa odeygii la doortay baa gaboobay oon talo faraha uugu jirin.
Abdi Mustafe