Wada hadaladii Somaliya iyo Somaliland oo dib loo dhigay ilaa maalinta Axada

imageMaalinta Axada ah ee soo socoto, ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Istanbul uu ka bilowdo shir ay gadhwadeen ka tahay Dowladda Turkiga, isla-markaana lagu wada hadashiinaayo Somaliya iyo Somaliland.

Wada hadalada, ayaa waxaa maanta lagu waday inay ka bilowdaan Magaalada Istanbul, laakiin waxaa ku yimid dib u dhac, lamana garanaayo waxa dhabta ah ee sababay.

BBC-da, ayaa waxay baahisay in wada hadaladu ay qabsoomi doonaan maalinta Axada ah, oo taariikhduna ay ku beegan tahay 1-da bisha soo socoto ee March.

Turkiga, ayaa dhabarka ka riixaaya wada hadalo leeskugu soo dhaweynaayo labada dhinac, si ay heshiis kaga gaaraan qadyadda ay isku hayaan.

 

Somaliland, ayaa sanadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay dib ula soo laabatay gooni isu taageedii, isla-markaana ay tahay dal ka madax banaan Somaliya.

24-kii sano ee burburka uu ka jira Gobolada Koonfureed ee Somaliya, ayaa waxay Somaliland ku tallaabsatay horumar muuqdo, iyadoona deegaanadeeda ka hirgelisay xasilooni leesku halleen karo.

Bishii December, ayay Somaliya iyo Somaliland wada hadaladoodii ugu dambeeyay ay ku yeesheen Magaalada Djibouti, markii uu soo qaban qaabiyay Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti.

 

Salaanmedia/Mogdisho