Waddani + Ucid +Madasha + midnimada London lagaga dhawaaqay Xirsi iyo Amina Weris isma hortaagi karaan by Abdi Mustafe

maqaal
Rabitaanka shicibka ayaa wax walba ka horeeya. Shicibkuna wey ka tashadeen cadawihii
Xirsi iyo Amina Weris oo haday doorasho dhici weydo waxa xilka la wareegaya shicibka oo ay hogaaminayaan Waddani + Ucid +Madasha + midnimada London. Hadaba Xirsi iyo Amina Weris iyo Morgan iyo Zamzam iyo muhanad iyo guulwadayaasha daba yaacaa ha is hor taagaan daadkaa soo rogmanaya bal in uu qaadi waayo. Dalka waxa lagu xukumaa magaca Silaanyo. Waxaan ku cadeynayaa in aan madaxweynuhu talin karin bal waakaase shicibka ha la hadlo oo dalkan bari iyo galbeed ba qiiqu ka baxayo ha ka hadlo, oo doorashada ha ka hadlo. Ma kari karo oo awoodaa malaha cidina ku ceebsan mayso oo qof waliba wuu gaboobaa aakhirka. Waxa se ceeb ah oon loo dulqaadan karin in Amina Weris iyo Xirsi dalkan bur-buriyaan iyagoo doonaya inay sii xukumaan. Waxa se mahad ilaahay ah kol hadii shicibki barrarugay oo xisbiyadii mucaaradka ahaa iyo madashiiba ay ka tashanayaan sidii dalka loo bad baadin lahaa. Maanta Xirsi wuxuu ku khudbadeeyey Silaanyo iyo ragga ku xeeran waa garanaysaan. Bal beenta intaa leeg eega halkuu Silaanyo ku danbeeyey se goormaa miyir uugu danbaysay. Dadka madaxtooyada ku xeeran dumar baa u badan. Xirsi oo sida dhurwaaga madaxtooyada dhuuxa ayaa dad ka ilbax san oo ka cilmi iyo caqli badan doonaya inuu u khudbadeeyo. Xirsi waa kuwuu quraanku sheegay ee yidhi Wa idaa khaadaba kum al jaahiluun quuluu salaama … Yacnii hadii jaahliintu idiin sheekeeyaan ka dhaqaaqa oo nabaday dhaha. Waxa xaqiiq ah in aan Xirsi iyo Amina Weris aanay dhawaan ummada la murmi doonin oo ay kabaha ka carari doonaan. Xirsi na ha ogaado qolkii uu jailka mandheera ka jiifsan jiray in uu weli banaan yahay.
Abdi Mustafe