Warbixin xasaasiya…Wiilka Uu Sodoga U Yahay Madaxweyne Siilaanyo Oo Guri Hal Milyan Oo Dollar Ka Ibsaday London

Salaasa.10.2.15(SM) – Iyadoo ay dadka reer Somaliland la xarbiyayaan badidoodu in ay ku noolaadaan hal doolar maalintii, noloshuna ku adag tahay ayaa waxa dalka Somaliland ka socda boobkii ugu weynaa ee hantida lacageed ee abid soo mara Somaliland, kaas oo ay wadaan xubno isugu jira wasiiro iyo kuwo qoyska madaxtooyada. Baashe Xaaji Cumar oo ah wiil uu sodog u yahay madaxweyne Siiraanyo oo awood buuxda dalka ku leh, isla markaana si weyn loo dareemay sida uu uga faa’iidaystay sodognimda uu madaxweynuhu u yahay, ayaa waxa Hadhwanaagnews soo gaadhay warar xaqiijinaya in Baashe Cumar oo loo yaqaan Baashe Morgan uu magaalada London qaybta ugu qaalisan ee Chelsea ka iibsaday guri weyn oo leh dhul badan kana kooban in ka badan shan qol, kaas oo uu iibsaday labdii bilood ee ugu dambeeyey sanadkii dhawaan ina dhaafay ee 2014ka.Moorgan

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sida ilahan oo UK joogaa xaqiijiyeen waxa uu ka ibsaday hay’adaha guryaha iibiya ee London, isagoo lacagtana si toos ah uga soo shubay magaalada Dubai baank ay xisaabi u taal kuna soo shubay isla mid kale oo uu London ku lee yahay. Guriga uu Baashe ibsaday ayaa madaxtooyadu la ogtahay, isla markaana ah wax iska caaid ka ah halkaa in qoyska madaxtooyada iyo kuwa ka agdhow ay gacanta galiyaan hantida umada.

Waa markii ugu horaysay ee Baashe Cumar lagu sheego in uun London guri ka ibsaday iyadoo uu hore guryo uga ibsaday magaalooyinka Dubai iyo Nairobi oo uuna intii hore soo dhaafin jirin hantida sida qarsoon ee bilaa xibaabta ah looga weecsado qarankan saboolka ah ee haddana xukumada Siiraanyo umadda ku dhago barjaysay in lacago loo soo guro dariiqa Ceerigaabo iyo iyadoo nusasaacaha caruurta laga ururiyo haddana xubno uu Baashe ka mid yahay si sahlan dalka ugala boxo lacago looga baahan yahay oo ay ka aradan yihiin bulshadii xaqa u lahayd.
Dhanka kale warar rasmi ah oo Hadhawanaagnews la soo gaadhsiiyey ayaa sheegaya in wiilkii dhawaan ku so obiiray qoyska madaxtooyada, Muse Xasan Xaaji, ee guursaday gabadh ay dhaleen madaxweynaha iyo marwada koobaad, isna loo siidaayey lacag dhan £280,000 oo (labad boqol iyo sideetan kun oo Ginida Ingiriiska ah) saddex cisho kadib marki waftigii madaxweyne Siiraayno socdaalka ku soo maray deegaamada teedsan xuduuda Somaliland ay la leedahay Itoobiya, kuwaas oo baahiyo adagi ka jiraan, hase ahaatee sida uu sheegay musharaxa madaxweynaha xusbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen socdaalkaas oo ahaa mid lagu soo maray lug deg deg ah oo aan wax loogu qaban, ayaa haddana lacagta wiilkan cusub iyo xaaskiisa madaxweynuhu dhalay la siiyey ay u dheer tahay iyagoo dhul muhiim ah magaalada Hargeysa siiiba xaafada Indian Lane looga raadinayo, si ay halkaa daar uga dhistaan la sheegay in ay huteel ama ganacasi la xidhiidha ka dhisayaan..
Lama garanayo sobobta lacagta intaa leeg inta qaranka laga qaato guryo loogu ibsanayo, iyadoo haddana dhanka kale xukumada Siiraanyo la soo taagan tahay in lacago loo guro adeegyada bulshadak, sida xarumaha dadka dhimbirka qaba ee dalka oo aad u liita iyo waliba adeegyada kale ee bulshada. Iyo iyadoo xukumadu ilaa hadda 10km oo kali ah ay laami ka dhigtay wadada Ceerigaabo oo qarankan kiishash lacago ah lagag ururiyo.
Isku soo duubo guriga uu dhawaan London ka iibsaday wiilka sodoga u u yahay madaxweyne Siiraanyo oo ay ku raad joogaan qurbe joog dega UK oo warkan na soo gadhsiiyey waxa aynu eegnaa in ay xukumadu ka jawaabto oo ay baadho iyo in ay dambabasto boobka muuqada ee hantida qaranka oo gaadhay heer aan hore Somaliland u soo marin oo masuuliyiin badani hanti ka yeesheen dakhliga yar ee umada Somaliland si sahlan ku soogalin.

La soco wixii warar ka soo kordha arinkan oo qurbejoog reer Somaliland ahi gacanta ku hayaan.

 

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho hadhwanaag