Warsaxafadeed…Guddida Horumarinta Ee Demooyinka Maxamed Mooge Iyo Maxamuud Haybe Oo Soo Bandhigay Qorshahooda Sanadkan Ee Ay Kula Shaqeeynayaan Dawlda Hoose Ee Hargeysa .

image

 

 

 

 

 

 

 

Hargaysa (SM)- Gudoomiyaha Gudida Horumarinta Degmooyinka Maxamuud Haybe Iyo Amxamed Xaaji Cumar Tareedh Iyo Xoghayaha Gudida ayaa saxaafada u gudbiyey Qoraal ay ku soo bandhigeen qorshahooda sanadkan ee ay Dawladda Hoose kula shaqeeynayaan si adeega bulshada kor loogu qaado iyadoo lala kaashanyo dawladda hoose laguna garab galo hawlaha horumarineed ee degmooyinkaasi ..

Masuuliyiinta Guddida Horumarinta Degmooyinka Maxamuud Haybe Iyo Maxamed Mooge ayaa Si gaara farta ugu fiiqay qodobada ay ka wada shaqeen doonaan sannadakan 2015ka Dawlladda Hoose

Waxaanu Qoraalkoodani uu u dhignaa :-

Ugu Horeen waxaanu ka bilabayna WACYIGELINTA dadweynaha degmooyinka Iyo Hargeysaba inay Magaladooda nadifiyaan dawlda hoosena caawiyaan gudidan ayaa ah gudi SHARCI ah oo Dawladdu Hoose Sharciyeesay Waxaana qoddobadan Loo kala horaysiinayaa kolba siday u kala horeyaan

1: In Sharikadaha Laydhku Waddada Total Ee Weyn Ee Caanka ah Inay Shidaan Waxa Ku Filanba 8 Lambadood Oo Waaweyn Iyo Goobta Miyo Mareenka Geershka Ina Bootaan Ee Maxamuud Axmed Cali U Dhaw

2: IN Halka Gooladda Total Ku Taalo Ubax Lagu Beero Oo La Qurxiyo

3: IN Suuqa Inji La Furo Oo Lo Soo Raro Suuqaa Waaheen Wadhatadiisa

4-In Shirkadaha Qashinka la Kormeero Oo Iyana Gudidu Bishiiba Mar Warbaxin ka qorto .

5- In La Baneeyo Biyo Mareenada , Oo Dadweynahu Aanay Awdin Meelaha Biyahu Marayaan.

6- IN Mayorku Magalada Daraasad Ku Sameeyo Oo Jamacadaha Iyo Un-Habitat Lala Kaashanayo Sidii Biyo Mareeno Iyo Habka Bulaacadaha Casriga Ah Magalada Loogu Sameeyn Lahaa Waa Rain Qaaliya Ee Horta Daraasada Mayorku Haku Dhawaaqo .

7– In Gudidu La Kulanto Maareeyaha Biyaha Iyo Wasiirka Biyahaba Oo Arrinka Biyaha Laga Wada Shaqeeyo

8-IN Saldhigyo Boolis La Dhiso Oo Layska Kaashado Gaar Ahaan Xafada Calamadaha

9- IN Xabaalahana La Deyro .

 

Gudidu Waxay U Mnahad Celinayaan Mayorka Iyo Madaxda Deganka Oo Si Fiican Gudida Ula Shaqeeynaya .

 

Guddomiye : XAAJI CUMAR TAREEDH XAAJI DAAHIR

Xoghaye : GARAAD MAHAD MAXAMED

Alla Mahad Leh